Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaar kamida Madaxda Jaaliyada Boston oo la kulmay Siyaad Cali Agaasimaha Gudiga Waxabarashada ee Minneapolis

Ceegaag ‘July 11, 2015 Boston MA USA’ Kulan ay kuwada afureen qaarkamida Maadaxda Jaaliyada Boston iyo labo Agaasime waxbarasheed oo laga kala doorto Magaalooyinka “Siyaad Cali” Minneapolis MN iyo “Cabdiraxmaan Caydiid” Randolph MA ayaa ka dhacay Qolka shirarka  TP ee magaalada Boston.

Kulankan oo lagu sogootinayay Agaasimaha waaxda waxbarashada ee MPS Siyaad Cali ahna Lataliyaha 1aad ee xaga Jaaliyadaha Sanatorka Federaalka ee laga doorto gobolka Minneapolis Amy J Klobuchar, ayaa ugu horayn waxaa waano iyo duco ku furay Sheekh Cabdilaahi Canshuur  kadibna waxaa hadalka Qaatay Cabdulaahi Gurxan oo u mahad celiyay Siyaad Cali sida Hufan ee uu ugu shaqeeyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis.

Gurxan ayaa sidoo kale uga mahadceliayay Siyaad sidii uu uga hawlgalay soodhaweentii Boqor Burhaan ee maraykanka isaga oo sheegay in Siyaad isaga gudbay fadeexad wayn ilhaano  Soomaalida ku habsan lahayd kadib markii waaxda Socdaalka Maraykanku hakad galisay Socdaalka Boqorka uu ku imaanayay Maraykanka.

Agaasimaha waaxda waxbarashada Randolph MA. Cabdiraxmaan Caydiid ayaa isna soo dhaweeyay Siyaad Cali isaga oo sheegay in ay muhim tahay in siyaasada wadankan Maraykanka lugaha lala galo uuna aad ugu faraxsan yahay inuu arka madaxda Soomaalida oo Siminaar shaqo ku imanaya Jamacada Harford University qaybteeda School of Government. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale u mahad celiyay madaxda Soomaalida Gobolka Minnesota sida ay ugu fududeeyeen shacabka Soomaaliyeed inay ugu noolaadaan ugana ganacsadaan sida ay rabaan gobolkaa taasoo oo uu yidhi inuu aad ula dhacay mar uu booqasho ku tagay gobolkaa.

Isbarasho iyo wadahadal dabadeed waxaa shirka soo gunaanaday Siyaad Cali isaga oo ku tirtirsiiyay Jaaliayada Boston inay si buuxda uga qayb qaataan waxyaabaha kaabaya nolosha mushtamaca ee deegaanada ay ku nool yihiin. Siyaad ayaa kula taliyay inaysan Jaaliyadu ku mashquulin Siyaasada Dalka Hooyo ee Soomaaliya sidoo kalena sheegay in Maraykan loo baahan yahay in Muslim ahaan laysku kaashado oo Soomaalinimada ay ka muhimsan tahay Islaamnimadu. Siyaad ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan khilaafaad ka dhasha had iyo goor is rogroga Siyaasada daalaadhacasa ee Soomaaliya taa soo mararka qaarkood ayuu yidhi midiyo isugu dhiibta dadka ehelka ah, balse waxaa laga maarmaan ah inaan midiyahaasi dhaafin Diirka oo aysan marnaba gaadhin Jidhka iska daaba in ilaa lafta lasocodsiiyo e.

Xuseen Fiin

Boston

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply