Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaar kamid Odayaashii Mucaaradka maamulka Jubba ee ku sugnaa Muqdisho oo maant Kismaayo soo gaaray (DAAWO SAWIRADA)

Wafdigaan oo qayb ka ah ergada ka qayb gelaysa wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan lagu wado in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga oo u badnaa salaadiin ayaa waxaa hoggaaminaayey suldaan Cabdulqaadir Luga Dheere, garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo ayaa waxaa wafdiga ergada ah kusoo dhoweeyey masuuliyiin katirsan maamulka Jubba kuwaasi oo uu hormuud u ahaa Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubba Land Gen Fartaag.
Soo dhoweynta iyo is marxabayn kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cabdulaahi Cabdi Yuusuf Qaldaan iyo madaxweyne kuxigeenka maamulka jubba Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxay madasha kasoo jeediyeen hadallo soo dhoweyn ah.
Intaasi kadib ayaa Suldaan Cabdulqaadir Luga Dheere oo wafdiga Kismaayo soo gaaray hoggaaminaayey iyo qaar kale oo kamid ah salaadiinta safarka ku wehelisay ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan imaanshahooda magaalada Kismaayo.
Sikastaba imaanshaha wafdiga ergada ah ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli magaalada Kismaayo laga dareemaayo qaban qaabada wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka.

DAAWO SAWIRADA:

 

 

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag