Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Puntland Somaliland iyo Jubbaland Maxay Ku Kala Duwan Yihiin (Abdirashid Abdi Daad)

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allah ee Naxariis Oo Dhan Iska Leh

Sidaan wada ognahay oo Dastuurka federalka ku qeexan in laba gobol iyo wixii ka badani ay samaysan karaan maamul ay xor u yihiin.

Qodobka 49aad. Firqadda (6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

waxaa marka is waydiin mudan maxay ku kala duwan yihiin saddexda Dawladood ee kala ah Puntland, Somaliland Iyo Jubbaland?

  • Puntland Somaliland iyo Jubbaland waxay asaasmeen iyadoon jirin sharci qeexaya guddi heer qaran ah oo daraasaad ka sameeya tirade iyo xuduudaha degmooyinka.
  • Puntland Somaliland iyo Jubbaland waxay kawada dhisan yihiin laba gobol iyo ka badan.
  • Puntland Somaliland iyo Jubbaland waxay kawada siman yihiin dekado sida Boosaaso, Berbere iyo Kismaayo garoomo diyaaradeed sida Boosaaso, Gaalkacyo, Hargaysa, Berbera iyo Kismaanyo.
  • Puntland Somaliland iyo Jubbaland waxaa wada tashaday shacabka ku nool gobolada ay ka samaysan yihiin oo qaatay go’aan dhisasho maamul dastuurna u samaystay.

Marka aan eegno qodobka 49aad ee dastuurka federalka wuxuu sheegayaa Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Inta aan golaha shacabku goaamin waa inuu usaaraa guddi heer qaran ah oo daraasaad ku sameeya. Magacaabidda guddigaas heerka qaran intaan la magacaabin waa in la sameeyaa sharci qeexaya oo golaha shacabku ansixiyo.

Tirade iyo xuduudaha degmooyinka dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka waxaa gooynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka dawladaha xubinta ka ah sida Baarlamaanka Puntland iyo Baarlamaanka Somaliland ee xubinta ka ah Dawladda Federalka markaana goloaha shacabka ee Federaalkuna ogolaado…..

Tixraac

Qodobka 49aad. Tirada iyo Xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka

iyo Degmooyinka

(1) Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inta aanu goyn tirada iyo xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(3) Magacaabidda guddigu lagu xusay faqradda 2 ee kore waa inuu ka horreeyo sharci Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixyo oo qeexaya:

(a) Xilalka iyo awoodaha Guddiga;

(b) Hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo shuruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay ka mid noqoto Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka;

(c) Tirada xubnaha guddiga, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu magacaabayo xubnaha guddiga, muddada xilhayntood, xuquuqdooda;

(4) Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, Golaha Shacabka ee Federaalkuna oggolaado….

(5) Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.

(6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

 

Waxaa marka is waydiin mudan mar haddii dawladaha xubinta ka ah dawladda federalka looga fadhiyo inay soo saaraan sharci gooynaya tirade iyo xuduudaha degmooyinka ka dibna uu ogolaado golaha shacabka ee Dawladda Federalku….

Guddigaan ay Dawladda Federalku cuskanayso inay usaartay Jubbaland muxuu yahay sharciga ay daraasaadka ku samanayaan mar haddaanay Baarlamaada Dawladaha Xubinta ka Dawladda Fedaraalka ahi aanay sooba saarin sharci goonaya tirade iyo xuduudaha degmooyinka oo golaha shacabka Dawladda Federaalku ogoladaan????

Mar haddii arintaas aan kor ku sheegay sax tahay oo aanay jirin wax ay isku raaceen Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka miyaanay Jubbaland la mid noqonayn habkii ay ku samaysmeen Dawladaha kala ah Puntland iyo Somaliland….

Mar haddii ay Saddexda Maamul oo isku hab ku samaysmay oo saddexduba waa faqsan yihiin firqadda 6aad ee qodobka 49aad (6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

Maxaa marka kallifay in Xasan Culusow inuu kala saaro oo Jubbaland si bareera faragashi uguwado IGAD na ugu gargaarayso sharcidaradaa qayaxan ee uu ku kacayo oo kukala saarayo xuquuqaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federalka….????

Markaan tixraac ku samayno Khudbadaha Xasan culusow ee kala ahaa

  • Waxaa loo baahan yahay in waxii hore u dhacay layska cafiyo oo aan waxba laysu qabsan
  • Hiiraan Maamul Ay Xor Uyihiin Waa Samaysan Karaan Laakiin Jubbooyinka Anagaa Usamaynayna Maamul Ee Iyagu Mid Ma Samaysan Karaan

Waxaa khudbadahaas kaaga caddaanaysa in Xasan culusow sitoos ah ugu tumanaya Dastuurikii u degsanadaa waddanaka…

  • Shaqsi kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu hantidiisa ka maqnayd raadsado inuu si sharciga waafaqsan u  ilaashado iyadoon wax faragelin ah dawladda am acid kale ugu samayn taas oo macnaheedu tahay cid hantideeda khasab looga qaadi karaa ma jirto si sharci darro ah oo loogu haysan karaa.
  • Hal gobo oo gooni isu taagi karaa ma jiro iskabadaa inuu samaysto maamul u gooniya.
  • Laba gobol iyo wixii ka badan waxay samaysan karaan oo ku midoobi karaan inay samaystaan Dawlad xubin ka ah Dawladda Federalka iyagoo xor u ah.

Tixraac

Qodobka 27aad. Firqada 4aad….(4) Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof  kastaa uu u leeyahay inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay Dawladdu ama cid kale ku soo faraggelin.

Qodobka 48aad. Firqada 2aad…. (2) Gobol goonni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Xukuumaddu Federaalka Soomaaliya ayaana maamulaysa waxaana waajib ku ah gobolkaas inuu ku biiro gobol kale ama Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka muddo labo sano gudahood ah.

Qodobka 49aad. Firqadda (6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

Waa Suaale Xasan culusow muxuu yahay sharciga siinayaa inuu dad hantidiisii iyo guryahoodii iyo degaamadoodii dad kale haystaan inuu yiraahdo halloo daayo…???

Muxuuse yahay sharciga siinaya inuu hal gobol yiraahdo waad samaysan kartaan Dawlad xubin ka ah Dawladda Federaalka…????

Muxuuse yahay sharciga u ogolaanaya inuu faragashi ku sameeyo oo ka hor istaago inay midoobaan laba gobol iyo wax ka badan oo samaystaan Dawlad xubinka ah Dawladda Federalka….????

Jawaabta dhabta ah oo caqliga nadiifta ahi garan karo waxaa weeye…. Inaan degaamadii laga bara kiciyey dadkii xaqa u lahaa degmooyinka Jubbooyinka aanay dib ugu soo noqon oo loo ansixiyo kuwii boobka kusoo degay walina deggan….

Waxa Jubbaland ka duway Dawladaha kale Sida Puntland Iyo Somaliland inay tahay in Jubbaland ay dib ugusoo celinayso dadkii dhulkoodii laga boobay…. Sharciga Dastuurka ah ee u degsan Dawladda Federaalka ahina uu waa faqsan yahay in ruux kastaa xaqiisa laga haysto raadsado oo uu helo….

Iyo baqdin uu ka qabo in labada Dawladood ee Puntland iyo Jubbaland ee xubinta ka ah Dawladda Federalka ahi iskaashi dhankasta ahi dhex maro isagoo u arkaya inay isir wadaag yihiin labadaa Dawladood… culays waynna ay ku noqon karto Xasan Culusow maamulkiisa Guracan ee ku dhisan aniga iyo Damjadiid…..

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply