Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waraysi Uu Prof Galaydh Siiyey Tvga Somnews By Zakariye Wadani

Ogoosto 25, 2015 (Ceegaag) — Madaxwaynaha maamulka Khatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Maamulkiisa laga Aqoonsan yahay Dalka intiisa badan, Shacabka Gobollada Dhexena ay Tageero u hayaan Reer Khatumo xilli uu Wareysi siinayay Qaar ka mid ah Warbaahinta.


Prof. Galeydh ayaa intaas ku daray in intii uu ku Sugnaa Muqdisho ay u Suuro-gashay in Xukuumadda Dhexe ee Somalia ay u ogolatay Maamulka Khatumo inuu noqdo maamul-goboleed; wixii horumar ahna ay Qaybtooda ku leeyihiin.
Sidoo kale, Galaydh ayaa xusay in maamulka hargeysa qolada ka socotay Gaadiidkii iyo dadkii soo dhaweeyay aysan ahayn kuwo maamulka hargaysa leedahay, balse ay ahaayeen kuwo Puntland laga leeyahay, isagoo intaas ku daray inuu xiriir ka dhexeeyo labada dhinac, loona baahan yahay in shacabka Khatumo ay Arinkaas u fiirsadaan.
Madaxweynaha Khaatumo oo la weydiiyay Su’aal ahayd Tallaabooyinka ay ka Qaadayaan Wafdi Labada Dhinac ka kala imaanaya ee Buuhoodle soo Gaaray, ayuu kaga Jawaabay; inaan waxba loo geysanayn haday horumar iyo mashaariic dalka u wadaan; laakiinse aysan Shacabka Magaaladaas wax dhib iyo mashaqooyin ah ka yeelayn.
Prof. Cali Khaliif ayaa Xusay in Nidaamka Federaalka ah ee Somalia uu Hir-gali doono; laakiinse kuwa nabad-diidka ah la og-yahay meesha ay Taariikhda kaga jiraan; waa siduu hadalka u dhigaye.
Ugu dambeyn, Waraysiga Madaxwaynaha Khaatumo ayaa kusoo begmay xilli uu ku sugan yahay deegaanka Balicad oo Qiyaastii 60-KM dhinca Koonfur-bari kaga aaddan Degmada Buuhoodle oo la saadalinayo inay xarun u noqon doonto Maammulka Khaatumo kaddib Weerarro dhowr ah oo maamulka hargaysa kajira uu la beegsaday tuulada Saax-dheer oo hore xarun ugu ahayd Khaatumo.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply