Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ololo lagu nadiifinayo Qashinka yaala dariiqyada Magalada Kismaayo oo Bilaabmay (DAAWO SAWIRADA)

Magalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka socdey olole lagu nadiifinayo dariiqyadda magaalada, waxaana hawshaasi waday hey’ad maxali ah oo lagu magacaabo Solidarity Group Jubbaland.

Balse waxa ay hawshaasi joogsatay dagaaladdii ka dhacay magaaladda, kuwaasi oo galaaftay naf badan.

Haatan magaalada waxa ay la il darantahay qashin badan oo yaala dariiqyadda qaarkood iyo waliba xeebta Calanleey oo dadka magaalada u dabaal tagaan.

Maamulka cusub ee Jubba  ayaa isagu si weyn ugu mashquulsan xasilinta amaanka, walina aanan usoo jeedsanin dhanka adeegyada kale ee bulshada u baahantahay sida nadaafadda iyo illaalinta tayada biyaha.

Laakiin qashinka meelaha qaar buuraha noqdey ayaa isna ka mid ah amaan darada magaalada maadaamaa lagu aaso miinooyinka, waxaa kale oo jirta ciid badan oo duugtey wadadii laamiga ahayd taasi oo iyana marar badan qaraxyo lagu duugey.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag