Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ogeysiis: Kulan loogu baroordiiqayo shacabkii Soomaalida Itoobiya ee lagu xasuuqay Oromia oo lagu qabanayo Edmonton.

Waxaa dhamaan Jaalliyada DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda lagu wargalinayaa inuu  jiro kulan Tacsiyeed loo qabanayo dadkii shacabka Soomaalida ahaa ee lagu xasuuqay magaalada Awadey ee deegaanka Oromia.

Kulanka ayaa bari oo taariikhdu tahay September 17, 2017 ka dhacaya xafiiska Jaalliyada DDSI ee magaaladan Edmonton. Hadaba waxaa lagu war galinayaa dhamaan xubnaha Jaalliyada DDSI eek u dhaqan gobolka Alberta inay kasoo qaybgalaan.

Sidoo kale kulankan ayaa lagu  cambaareendoonaa shaqsiyaad u dhashay qowmiyada Oromada oo ku nool dalka mareykanka oo masuul ka ah abaabulka iyo kicinta qowmiyada Oromada ee xasuuqa u geysatay shacabka Soomaaliyed ee u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Goobta: Xafiiska DDSI Edmonton- Suite 209, 11125 – 107 Ave NW,

Goorta: Axad, September 17, 2017

Waqtiga: 6:00 PM

Wa bilaahi Towfiiq.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply