Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Odayaasha iyo Digil iyo Mirifle ee daga Gobalada Jubbooyinka iyo Gado maxay ka yirahdeen banana baxyadii Baydhabo ee looga soo horjeeday hishiiska Dowladda iyo Jubbaland?

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahanada beelaha Digil iyo Mirifle ee ku suggan  magaalada Kismayo ayaa waxay soo dhaweeyeen islamarkaasna ay taageereen heshiiskii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ay ku wada gaareen magaalada Adis Ababa iyagoo sidoo kale ka soo hor jeystay banaan baxyadii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay kuwaasoo looga soo horjeeyay natiijadii ka soo baxday shirkii Adis Ababab.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ugaasyo, Salaadiin, Nabadoon iyo aqoonyahano kala duwan oo ka soo jeedo gobbolada Bay iyo Bakool oo si weyn looga yaqaano dalka ayaa hadaladii ay kulanka ka jeediyeen waxaa kamid ahaa “waxaan tagrsanahay maamulka Jubba iyo Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya”

Inkastoo natiijadii ka soo baxday shirkii adis ababa ee ay wada gaareen dowladda dhexe iyo Maamulka Jubba oo si xooggan looga soo dhaweeyay dalka iyo dibadiisa ayaa shalay waxaa magaalada baydhaba ka dhacay banaan baxyo arrintaasi looga soo horjeedo, ayadoo ay arrintaasi si kulul uga jawaabeen Madaxda dhaqanka ee Bay iyo Bakool ee ku suggan magaalada Kismaayo.

Ceegaag Online-Kismaayo

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag