Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nala dhagaysta Xiisaha Xasarada GUBA 2aad

Silsildii GUBA oo guushu raacday beesha haatan ku dhaqan deegaanada Khaatumo qorni ka hor ayaa haatan beesha Ogadeeniya ula muuqatay inay dib u gocdaan kadib markii beesha deegaanada Somaliland ku guulaysatay inay cagta saaraan reer Khaatumo oo dagnaan xoogan ka soo gaadhay beesha deegaanada Majeerteeniya oo ay qarni ka hor is hartiyaysanayeen.

GUBA waxaa isaga jawaabay 12 nin oo ay ka mid ahaayeen 1. Cali Dhuux Aadan, 2. Qamaan Bulxan, 3. Maxamed Fiin, 4. Buraale Cali, 5. Ismaaciil Mire(Abaanduulihii Daraawiishta), 6. Cilmi Carab Cabdi, 7. Salaan Carbeey, 8. Ismaaciil Cigaal Bulaale, 9. Xaaji Khaliif Aw-Axmed, 10. Xuseen Budhle, 11. Maxamed Cumar Dage, 12. Samatar Baxnaan.

Giraanta gabayada oo ka kacday ceelkii Doolo ee Camuud ee Habaryoonis ka qaaday Ogaadeen ee markii Cali Dhuux loo diiday inuu Hashiisii Cartan ka waraabiyo uu ka tiriyay gabaygii uu kusoo Afmeeray ‘Cayn iyo Hartaad leedehee cadhaqda Fuuqfuuqso’(Cali Dhuux).

Dib ufirida gabayadan ayaa lafilayaa inay wax wayn ka badasho xaaladii markaa jirtay ee u dhaxaysay beelaha, Dhulbahante, Habarjeclo, Ogaadeen iyo Habaryoonis. Sidoo kale xaalada Hartinimo ee beesha Dhulbahante ku faanasay waagaa ayaan eegi doonaa sida haatan looga Gabyo!!!

Waxaan u mahad celinaanaa Radio SSC iyo Axmed Laari oo soo Gudbiyay maansadan dib loogu furay GUBA oo uu dib u furay Axmed Sheekh Cali oo Ogaadeen Ah.

Axmed Cali ayaa haatan ula ee kaatay inuu Dhulbahante mudan yahay in looga jawaabo Kalmadii GUBA ee ‘Doqonkii Ogaadeen Ahaa Doolo laga qaadyay e’ (Cali Dhuux). Maadaama uu Dhulbahante ku sifoobay ‘Murankeenii wakaa makalay Muxubadeeniiye’ (Jamaal Xaaji Cali). Ka dib markii uu sookala dhex galay  khilaaf ba’an oo siyaasadeed oo sababay in lagu maamulo deegaanadooda.

Nala dhagaysta Xisaha Xasarada GUBA 2aad

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply