Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Naadiga SOMALI PEN oo soo Bandhigey Lab Buug oo qiimo leh oo kala ah AFKA HOOYO U HIILI iyo WAAD GUULEYSAN KARTAA.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey  isla markaana lagu soo bandhigayey Laba Buug oo ay kala qoreen Cabdulaahi Sheegow Maxamed iyo Sucdi Daahir Diiriye ( Qajaf  weyne) , islmarkaana uu soo Qaban qaabiyey Naadiga Hal Abuurka iyo Qalimaalka  Somaaliyeed ( Somali Pen) ee Laanta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya , waxaana ka qayb galey  Qaybaha kala duwan  ee Bulshada  , Xildhibaano , qorayaal  iyo Marti sharaf.

Labada Buug ee la soo  Badhigey oo la kala yiraahdo UHIILI  AFKA HOOYO iyo WAAD GUULEYSAN KARTAA  ayaa ugu horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Cabdulaahi Sheegow Maxamed oo ahaa qoraha qorey Buuga la yiraahdo  U HIILI AFKA HOOYO ayaa waxaa uu si aad ugu dheeraadey marxaladihii uu soo marey  Buugaas waxaana uu  sheegey in Sababaha  ku kalifey in uu qoro buuga U HIILI AFKA HOOYO ay tahay  ka dib markii uu ogaadey in Afka Soomaaliya uu beesha  ka sii baxayo  islamarkaana uu ku barxamey Afaf kale.

“ Afka Hooyo ee Soomaaliga waa af Hodan ah marka loo fiiriyo afafka kale “ ayuu yiri Cabdulaahi sheegow oo sheegey in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay  sidii ay u ilaalshan lahaayeen islamrkaana ugu hiilin lahaayeen afkooda .

 “ In aan Buugaan tarjumo waxaa igu kalifey markaan arkey Nuxurka uu Xambaarsan yahay taasoo igu dhalisey in aan uga faaiideyo Dhalinyarada Soomaaliyeed “ sidaa waxaa yiri Qoraaga da’da yar Sucdi Daahir Diiriye ( Qajaf-weyn” oo  Tarjumtey Buuga  la yiraahdo WAAD GUULEYSAN KARTAA  (YOU CAN WIN)  waxay sii raacisey

“ Buugaan WAAD GUULEYSAN KARTAA waxaa lagu tarjumey 26 Luqadood ka dib markii markii Bulshada ku nool 26-kaas wadan ay ogaadeen Waxtarka iyo Macluumadka uu xamarsan yahay  buuga ayey door bideen in ay dadkooda u tarjumaan aniga sidaa si lamid ah ayaa waxaan go’aansadey in aan dadkeyga uga faaiideeyo”

Xubnihii kale ee Munaasabadaas lagu soo badhigayey labadaas Buug ka Hadley waxaa ka mid  ahaa  Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Xildhibaanad Xamsa,  Xasan Axmed Sadiiq , Qoraa  Cabdiraxmaan Abuu Xamsa , Qoraa Cabduqaadir Xuseen Maax , Cabdi  Abshir Dhoore, Canab Xasan Cimi  Cabdiraxmaan Ablaal  iyo Cabdinaasir Yuusuf Macalin Ganey oo ka socdey  Naadiga Hal Abuurka iyo Qali-maalka Soomaaliyeed ( Somali Pen) ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya   waxay sheegeen Dhamaantood   in Bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay in Qorayaashooda Dhiirageliyaan oo waxa ay qoreen ay iibsadaan  maadaama  buuga la geliyey Maskax iyo Dhaqaale fara badan sidoo kale waxay sheegeen in Labada Buug ay Xambaarsan yihiin Macluumaada dhaxal gal ah loona baahan yahay in ay Bulshada ka faaiideysato.

Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply