Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo Muqdisho ka bilaabay Ololaha Dhiirigalinta aqriska iyo Qoraalka (Sawirro)

Barnaamijka Ololaha hormarinta Qoraalka iyo Akhriska oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo Buugaagta ay qoreen Qoraayaasha Somaaliyeed ayaa Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan waxa uu bilaabo Olole lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo aqriska kaasoo lagu qabanayo Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Ujeedada ugu weyn ee barnaamijkaan loo qabanayo ayaa ah in dhalinyarada Somaliyeed lagu Booriyo in ay badiyaan aqriska iyo Qoraalka si loo helo dhalinyaro badan oo karti u leh wax curinta iyo aqriska.

C/qaadir Cabdi Axmed (C/qaadir Jubba) Gudoomiyaha Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo ka hadlay Munaasabada lagu soo bandhigay Buug uu qoray mid ka mid ah Qoraayasha Somaliyeed aya shegay in Barnaamijyadaani ay ugu talagaleen in Iskuulada waxbarasho ee ku yaalo Gobolka Banaadir ay u soo bandhigaan Buugaagta ay qoreen aqoonyahanada Somaliyeed laguna dhiirigaliyo in ardayda ay soo saaraan Buugaag kana sheekeeyaan taariikhda ay soo mareen si Jiilka ka danbeeyey ay ugu faa’iideystaan.

C/kariin Maxamed Garuun oo ah xoghayaha Naadigaan ayaa kula dardaaramay dadkii ka soo qeybgalay in ay ku dhiiradaan qorista Buugaagta si loo helo dadbadan oo fikirkooda ku cabiro karo hab qoraal Buugeed.

C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxa uu kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u qori lahaayeen Buugaag ay ugu sheekeenayaan xaaladihii ay soo mareen ama sheekooyinkii ku dhacay.

C/nasir Yuusuf Macallin Gudoomiyaha Somali Pen u qaabishan koofurta iyo Bartamaha Somaaliya ayaa sheegay in Ololahaani uu muhiimad u leeyahay in dhalinyarada ay ku baraarugaan Qoraalka iyo Akhriska waxtarka uu u leeyahay in dadka waxaqriyo ay gaaraan hormar wanaagsan.

Ololahaan  lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo aqriska ayaa socondoono muddo afarbilood ah iyadoo lamari doono intabadan Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo magaalada Muqdisho,marka uu dhamaado Ololahaani ayaa waxaa la soo saari doonaa Qoraalka ka hadlaya faa’idooyinka laga gaaray.

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Muqdisho-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply