Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Musharax madaxwayne Soomaaliya Bashiir Xaaji Cali oo warsaxafadeed kasoo saaray mudu u kordhinta haayadaha dawliga ah

Dadkeennu waxay maanta u baahanyihiin dibuheshiisiin dhab ah, dibudejin waarta, dawlad wadaag sax ah , daryeelid bulsho dhamaystiran iyo dal midaysan oo xor ah.

Qodobadaas aan soo sheegay ma imankaraan haddii aan la helin dawlad loo dhanyahay oo raalli laysaga yahay kuna shaqaysa rabitaanka shacabka. Waxaan aaminsanahay sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya shalay April 12, 2021 meelmariyay in uu ahaa mid lagu deg degay una baahnaa in ka doodistiisa wakhti intaas ka badan la galiyo.

Waxaa fiicnaanlahayd in Baarlamaanka Soomaaliya soo saaro qaraar dalka doorasho dadban oo muddo kooban lagu qabto la galiyo iyadoo laga duulayo heshiiskii doorashada ee lagu heshiiyay bishii September 17, 2020 maaddaama doorashadu tahay mid “dadban” oo si fudud looga hirgalinkaro gobollada dalka oo dhan oo ay ku jirto Somaliland si tuhunka muddo kororsiga ee laga qabay Baarlamaanka iyo xukuumaddu meesha uga baxdo.

Ma aaminsani in muddo 2 sano ah gudohood dawlad leh mucaarad gudaha ah oo badan iyo mid cadow shisheeye ah, in dalka ay kaga qabankarto doorasho 1 cod iyo 1 qof ah gobollada dalka oo dhan. Waxa kaliya oo dalkan doorasho dadwayne lagaga qabankaraa marka la helo dad is oggol oo raba in ay wax wadayeeshaan, wax wada wadaagaan, is aaminaan, isu tanaasulaan, is xukumaan isna saamaxaan.

Siyaasiyiinta maanta gacanta ku haya masiirka dalka iyo kuwa mucaaradka ahiba oo dhammaantood isku dugsi- siyaasadeed ka soo wada baxay kama muuqato aragti siyaasadeed oo fog oo meelmarisa sifooyinkaas aan kor ku soo sheegay ee dadkeennu u baahanyahay. Si haddaba ujeeddooyinkaas loo gaadho Soomaaliya waxay u baahantahay “dawlad debuheshiineed” oo ka shaqaysa arrimahaas aan kor ku soo sheegay.

Uma baahna maanta shacabka Soomaaliyeed ee nugul in loo tumo durbaan qabiil oo ay horay ugu hungoobeen kuna waayeen sharaftoodii iyo karaamadoodii ay adduunka ku lahaayeen. Waxaan ummadda Soomaaliyeed leeyahay aan wada ilaalinno dawladnimadeenna kobcaysa kana ilaalinno wax kasta oo duminaya dibna ugu celinaya meeshii fogayd ee aynu ka keenay.

Musharaxmadaxwayne Bashiir Xaaji Cali

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply