Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Musharax Madaxwayne Bashiir Xaaji Cali oo shir jaraa’id ka qabtay xaalada ku xeeran qabsoomida Doorashada Dalka

SHIR JARAA’ID

JANUARY 10, 2021

1.    Waxaa qof walba oo muwaaddin Soomaaliyeed ah u muuqda in 20kii sano ee ugu danbeeyay ee la bilaabay yagleelidda dawladda Federalka ee Soomaaliya in hoggaamiyeyaashii isaga dambeeyay xukunka dalka ay dhammaantood ka gaabiyeen inay dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay kuna barakacay dagaalladii sokeeye ee dalka soomaray ay u sameeyaan dib u heshiisiin dhab ah oo waarta. Baahidaa dadka Soomaaliyeed u qabo dib u heshiisiin dhab ah ayaa ah sababta ugu weyn ee igu kaliftay inaan wakhtigan isu soo taago  xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.

2.    Waxaan dhamaanteen war war wayn innagu haya waddada halista ah ee Soomaaliya ay ku socoto taas oo horseedi karta deganaansho la’aan iyo burbur horleh taas oo tacabkhasaar iyo niyadjab u soo jiidaysa dadka Soomaaliyeed ee u oomman dawladnimada kana soo kabanaya burburkii iyo barakicii soomaray 30kii sano ee ugu danbeeyay. Waxaa nasiib darro ah in dowladda Federaalka, Isbaheysiga Musharaxiinta Madaxweyne iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay ku guuldareysteen qabashada doorashadii in badan dadka Soomaaliyeed sugayay in ay si daahfuran ku dhacdo wakhtigeediinna qabsoonto.

3.    Waxaanhalkan  baaq  uga dirayaa madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo ah hogaamiyaha dalka inuu muujiyo biseyl siyaasadeed iyo dabacsanaan dibna u furo geedi socodka wadashaqeynta uu la lahaa dhamaan masuuliyiinta ku guda jira siyaasada dalka si laysla oggolyahayna lagu wajaho caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashada.

4.    Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa midowga musharixiinta iyo maamul-goboleeddada in ay dib ugu soo noqdaan miiska wadahadalka kana fogaadaan waxkasta oo Khalkhal siyaasadeed iyo mid amnidarro ku keenikara dalka Soomaaliya.

5.    Waxaan kaloo ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan madax dhaqameedka Soomaaliyeed, culumaa’udiinka, bulshada rayidka ah, iyo masuuliyiinta ku guda jira siyaasada in ay si deg deg ah u soo dhexgalaan arrintan cakiran qabtaanna kulan deg deg ah oo ay ka soo wada qaybgalaan dhammaan dhinacyada isku haya hannaanka doorasho ee dalka.

6.    Ahmiyadda ugu sareysa ee qorshaheyga siyaasadeed waxaa bud-dhig  u ah in la helo dowlad loo dhan yahay oo ka dhalata dib u heshiisiin dhab ah si loo helo dawlad dimuquraaddi ah oo  huwan sharaftii iyo karaamadii lagu yaqaannay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

   Ugu danbayn, Soomaaliya oo xasilloon ayaa dan u ah dadka Soomaaliyeed, waddamada   deriska  iyo beesha caalamka.

Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

Musharax Madaxwayne

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply