Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Musharax Madaxwayne Bashiir X. Cali oo ka qayb galay bandhig buugeedka sanadka 2021 ee Banaadir

Munaasabada Xiritaanka Bandhiga Buugta Banaadir oo Mudo Sadex Maalmood ah socday ayaa waxaa xidhitaankii shalay ka qayb galay Musharax Madaxwaynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Bashiir Xaaji Cali isaga oo la hadlay dhalintii iyo qoraayashii xaflada joogay ayaa waxa uu uga sheekeeyay waayihiisii uu ardayga ka ahaa Muqdisho iyo noloshiisii hore.

Bashiir ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeyay wakhtigan xaadirka ah xaalada caasimada iyo waagii uu ku korayay sida ay xaaladu ahayd. isaga oo balan qaaday hadii uu xilka madaxwaynenimo ku guulaysto inuu wax la taaban karo ka qaban doono bilicda iyo dhismaha iyo waliba xaalada nololeed ee shacab caasimada.

Musharax Bashiir ayaa waxaa uu hadalka ku bilaabay ‘Waxaan Ku Faraxsanahay Sida wanaaagsan ee ay u soo bandhigeen Aqoontada Da’ayartii Wax u bartay Dalkooda iyagoo Isla Markaa Ku Shaqaynaya Maraxalada Adag ee Dalku Ku jiro. Waxaan Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed ee Bandhigga Buugta Banaadir.’

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply