Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MURTISOOR: Wariye Dhako-Banaan/Radhiyo Khayrmiir (Ha Qoslin!)

Wanaagsanayaasha samaha, khayr-miirka, iyo barwaaqada jecelloow, halkani waa Reedhiyoow Murtisoor oo warka intiisa nahda iyo leef-leefka leh idiinka soo tuujiya dhulka quruxda iyo uduga leh ee SOOMAALIYA. Warkaasoo aad ka dhego-dhegaysaan amaba ka indho-indhaysaan mawjadaha kuuskuusan iyo kuwa fadh-fadhiya ee Danjirre1, Waddani2, iyo Nabaddoon3!

Illaa sanadkan oo dhanna waxaa warka baaxadiisii iyo salkiisii idiin soo butaacinayay anigoo ah wariye aan madax-banaanayn, laakiin dhako-banaan oo weyn leh oo waliba soo indho-cadcad!

Hadaydaan wali nagu qumbacan ama naga kala yaacin, halkaad wali naga eeg-eegaysaan ama naga bowsanaysaan waa inta u dhaxaysa Boholaha Xargaga, Qamno, Daldawan, Huduso, Hulqaboobe, Yamayska, Alxamdulilah, Yoontooy, Tookiyo, Kumbareero iyo Kun-Yaasiin!

Hadda iyo hadhoowba ku soo durka rukumadii warka kuwii ugu buurbuurnaa ama ugu caqiibadda roonnaa!

Warka dhegahiisii, dhafooradiisii, iyo weliba dhumucdiisii!

Warar sugan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in geel tiradiisa kor u dhaaftay 6 milyan oo halaad, Lo gaaraysa 8 milyan, iyo 15 milyan oo ari ahi ay ku dhalleen dhulka uduga ee ay Soomaalidu degto. Xoollahaas ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhargeen, dhul cosob ah oo ay xareeddu burqanayso oo uu ay is qabsadeen, rucubta, qawlka, baloosha, dhiloow-yahanka, manka, dixida, maadha, maajeenta, dareemada, timo-haweenlaha, iyo yamaaruga oo markii ugu dambaysay ee la arkaa uu ahaa waagii barisamaadkii ee 1976dii. Halkaas, oo xoolla-dhaqatadii ay ku riyaaqeen kuna raqayaan ama fuuddayaan dambarka, garoorka, dhitada, iyo dhay macaan oo xoor leh! Ciirtii iyo Jinnawgiiba markii la waayay cid la siiyo, ayaa waxaa loo dhigay awrta rarayda ah!

Markii halkaa nimcatul-fushuuq looga dhacay, ayay barbaartii waxay fiidkii ku damaashaadayaan ama tumanayeen, gableey-shimbir, dhaanto, walasaqo, jaandheer, heerimaahee, saylici, saar, buraanbur, batar, shirab iwm, ay jaanta iyo durbaankaba aad isula helayeen si cajiib ah!

Warar kale oo goor dhawayd nasoo gaaray ayaa iyaguna xaqiijinaya, in ayaamahan ay beeralaydii u soo go’een dalagyadii abid ugu badnaa ee geyigaa ka baxa. Mucjisooyinkii ugu waawaynaa ee sanadkan ayaa sheegaya in barwaaqadu sanadkan sababtay inuu miisaanka mirka cambe-jilibka ahi kor u dhaafay 2 kg, halka sanadkii hore uu ka ahaa 400gr! cajiib!

Nimcooyinka isku dhuuqa ah ee sanadkan beeralayda farxad galliyay waxaa ka mid ah, muuska, bambeelmada, canabka, khookha, farsuuga, saytuunka, qaraha, iyo dhammaan khudrada cagaaran oo markii ay wadanka xad dhaaf ku noqdeen loo biic geeyay wadamada carabta iyo yurub. Halka firilayda sida galayda, masagada, digirta, sinsinta, bariiska, iwm iyagana loo daabulayay dhinaca Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti! cajiib!

Wararka caawa ayaad kaga dhergi doontaan damaashaadka kaluumaysatada, iyo sida loogu nimcaystay tabadiinka, taraaqada, qubada, aargoosatada oo dhibyari looga soo daldalayo xeebta Afrika ugu dheer, ugu bilicsan, uguna hodansan! cajiib!

Sidoo kale dhawaan ayuu Khayr-miirku idiin soo gudbin doonaa sida loogu nimcaystay khudrada iyadu iskeed isaga baxday ee kala-guran-waaga noqotay sida hoobaanta, gobka, gomoshaaga, miro-canyada, hohobta, mareerka, doombirta, xangeeyada, carab-lo’aadka, waarigta, xamakawga, maroorada, gacayrada, lajiidaha, dhaameelka, dhafaruurta, raqayga, jinawga, goosayga, yicibta iwm.

Goortan iyo goor kaleba waxaanu idinkaga tagaynaa qabyaalad-la’aan, dagaal la’aan, shabaab la’aan, qaad-la’aan, iyo nimcada ood iska dhuuqdaan ceeb la’aan, idinkoo Eebbe ugu shukrinaya!

Waxaanu idinku macasalaamaynaynaa heestii macaanayd ee ahayd “dhuuqa dhuuqaaa dhuuqaaaay, nimcada dhuuqooooo ka dhargaaaaaaaay!!!”

Waxaan halkan uga mahad cellinayaa dadka muhiimka ah ee nagala qayb qaatay Khayr-miirka oo kala ah:

1-Farsamadii, Oday Biiqay
2-Isku duba-ridkii, Cigaal-Shiidaad
3-Iksu-Shaandhayntii, Aro-Weello
4-Dhanka Sharciga waxa naga caawiyay, Ina Sanwayne
5-Arimaha Diinta waxa nagala taliyay, Sheekhal Kuli
6-Farshaxanka waxa noo sameeyay, Amiin Caamir
7-Majaajiladu waa middii, Awkoombe
8-Muusikada waxaa garaacayay, Xudeydi
9-Soo saarayaasheenu waa: Hure Walanwal iyo Cambaro

Waa Barmaamijkeenii MURTOSOOR ee Radhiyoow Khayrmiir!

Waxaa caawa warka idiin tukubinayay, luudinayay, ama jiid-jiiddayay aniga oo ah Wariye Dhako-Banaan (Axmed-Assad).

Facebook: Facebook.com/MURTISOOR
Twitter: Axmed.Assad
Email: Ahmedy98@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply