Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Murtisoor: Qurbajoog & Qurracjoog Kaftamay. W/Q: Axmed-Assad

Ka dheggayso attachment-ka hoose iyadoo cod ah!
In dhawayto wuxuu khilaaf ba’ani ka dhexeeyay labada kooxood ee kala ah odayaasha Qurbojoogta ah ee dhawaan wadanka ku soo guryo noqday, iyo dhallinyarada Qaracjoogta ah ee wadanka deggaanka ku ahaa. Islamarkaana waxaa la kala saftay labadii garyaqaan ee la kala oran jiray Bulxan iyo Gurxan:
Haddaba, anigoo wariye-dhako-banaan ah ayaa su’aalo waydiiyay labadaasi qareen, waxaana ku billaabay!
Ayaamahan hubbantiimo,
Qurbajoog  hakanayn iyo
Quracjoog haminaysa
Hardan baa u dhexeeyee
Horta aan ku su’aalee
Bulxanoow ku horreeyoo…….
Bal maxaa kala haysta?
 
Bulxan: wuxuu yiri:
 
Odayada habawga ahee
Qurbahaa ku hawl gabayee
Timahooda hool-hoolee
Hareeraha iska xiir-xiiree
Hidaha iyo dhaqankeenii
Diinteenii haboonnayd
Waa hore ka haajiray ee……..
Calool xunood haruub moodiyo
Hogofyada lugaha dalabta leh
Hor iyo gadaal is daba dhigga….
Waa kuwa habaar qaba oo
Hoog iyo jab soo marayoo
Hargaha eyda dhiqi jirayoo
Xaqa uma hambeeyaanoo
Wanaaga uma hiishaane…..
Wax kastay hellaayaan
Horuun bay ka boobaan!
Waxaan iri horre u soco!
Wuxuu yiri
Waa kuwo habaar qabba oo
Halkan markay yimaadaan
Haddal waxay yaqaanaan
Hoobaladii wacanaan jirriyoow
Heesaha ciyaaraha iyo
Heelada inoo tuma!
Sidii habar dugaagii bay
Hoostiyo garbaha ruxiyoo
Dhaanis bay hip-hop tumanoo
Hidhi-dhiida ku hayaanne—
Waa maxay hallaagani
Hagar daamo badanaa!
Hablahana ta ugu wacanee
Quruxdeedu hodan tahayee
Haybadiyo asluubta lehee
Hayeeshee saboolka ah bay….
Halka uu ku soo deggayiyo
Huteelkuu ku noolahay  bay
Hadiyaddo ugu qaybshaanoo
Habbeenkii markay tahay bay
Hoobiya Hidooyda ku hayaane…….
Waa maxay hallaagani
Hagar daamo badanaa!
Waxaan iri horre u soco!
Wuxuu yiri:
Shaqadoo haggaag socotoo
Habsami loo agaasimayoo
Ganacsigu hore u marayoo
Maamulladu higsanayaan bay…..
Shahaadooyin baan haystaa
Reer hebel hadaan nahay
Cid kale kuma haboonayne
Halkaa aniga ii dhiibiyo
Huu-haada ku hayaan…………..
Waa maxay hallaagani
Hagar daamo badanaa! Buu yiri,
Markay sheekadu halkaa maraysay, baan jaleecay dhinacii Qareenkii kale ee Gurxan oo isagu la safnaa Qurbojoogta, oon waydiiyay:
 
Hiirtaanyo ceeb baasiyo
Hurgumuu ka sheekeeyee
Hadal miyaa adiga hadhay, Gurxanoow?–
 
Wuxuu yiri,
Huuhaada haw bixine
Anigaa hawraar dhaba ah
Hagaag kuu waramayee
Haan wayn u soo tollo….
 —
Waxaan iri horre u soco!
Wuxuu yiri:
Hidiyo-dhaqan raggaa nacayee
Habaar waalid korodhsadayee
Diintii hareer marayee
Culimadii haboonayd
Dhiiggooda ka hirqaday—
Hoobiyaha dadkeenii
Ula dhacaya haqab li’diyo
Qurac-joog habaar qaba-oo
Huubbe ah ayaa harray!
Mooryaan hariiraya lehoo
Maatadada harkii dhaca-oo
Qofkay shillin ka helayaan—
Halkaa duluca hoostiisiyo
Guntiga hooyo koley tahay—
Hanti aan ku dhaafayniyo
Horor booli lagu koriyiyo
Hanaq gooye jaahil ahiyo
Qurac-joog habaar qaba-oo
Laga haajiraa harray!
Waxaan iri horre u soco!
Wuxuu yiri:
Ninka raggi hiraabtii
Marka waagu halalaco
Wuxuu haybiyaa shaqo—
Kuwa wada habeenoo
Himiliyo dareen qabinoo
Halkii ay wax tari laayeen
Kollay halaha geella ah
Hawd sare ku raacaan
Ama hilibka xoolaha
Qali lahaa habeenkii
Hambadiyo gaxadhatada
Guri lahaa hadhaadiga
Ragu hawsha kama maarmee
Ku hagaagi laa meel
Hayaay waan bakhtiyayaa
Halsoo dirooy lacag, lacageeey, lacag
Hadalkoodu uu yahay
Hami laaweyaashii
Kuwii ceebta loo haray
Hadday wali hadlaayaan—
Dadka horumar keennee
Dalkeenii  hagaajee——–
Horraanteed bil la arkaba
Biilka hore ka soo dirra—
Hadaaqii caruurtiyo
Heedadawga qaarkii
Inay nala hawaystaan
Horta dhako-banaanoow
Adigaan ku haybshee,
Miyay kula haboon tahay?, buu yirri,
 
Markuu anigii dib iigu soo kala wada celliyay,  baan ku iri,
Horta saaxiib Gurxanoow,  anigu idiin kala hiillin mayo, haseyeeshee Dhako-banaane waa la ii qariyaaye, bal caawa halkaa ha inoo joogto!
 
 W/Q: Axmed-Assad, Barmaamijkii Murtisoor.
Facebook: Facebook.com/Murtisoor (Like it)
Twitter:  Twitter.com/AxmedAssad
Email: Ahmedy98@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply