Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MURTISOOR: MAANSADII “HIIL-HOOYO” W/C: Axmed-Assad

 
              HIIL-HOOYO
-Illaahay Hodansanaa
-Haweenku wanaagsanaa
-Hadaanaan Hali lahayn
-Kuwaa noo Hagar baxay
-Halaagu markuu na helay
-Kuwii nala soo halgamey
-Markaan habaqlaha ahayn
-Kuwaa wada haybada leh 
-Ragoo iska haydhafle ah
-Kuwaa Harka iyo dugsi leh 
-Dhirtiiyoon Harac Lahayn
-Kuwaa Hidaheena sida
-Hagoogan ee wada jiqda ah
-Kuwaa Hurdo aan aqoon
-Habsami xil u gudan yaqaan
       ...
 
-Kuwaa Hufan ee qurxoon
-Aduunyadu Heli karayn
-Kuwaa Haybadiyo kalgacal 
-Wanaaga u Heelanka ah
-Kuwaa Hayin looga dhigay
-Dhalaankeena lagu hamiyo
-Kuwaa Hoyga noo dhisee
-Hanfiga dayr nagaga xira  
-Kuwaa Higilkee dugsooon
-Xagaagoo hababac yiri
       ...
 
-Haweenku wanaagsanaa
-Kolkuu Harku uu rogmado
-Cadceedoo Holac ka kulul
-Hanfigu uu soo baxee
-Hawadu ay siigo tahay
-Hooyada Soomaliyeed
-Waxabay hufaysaa intaa
-Galay bay haadiyaan
-Haruurkay noo tumaan
-Caruurtay noo Habaan
-Halbawlay noo yihiin
-Hadii aan garanaynee
      
           ...
 
-Aroortii hadal qurxoon
-Habeenkii eray macaaan
-hantida maan uga dhignoo
-Maruun hagardaamadiyo
-Halgaada ka dhaafno’eey
-Ragyohow hiifkiyo kadaa
-Hanjabaada xaq'aan ahayn
-Hoh iyo way-way ha oran
-Iyagaa Hanadnimo mudane!
 
Wuxuu Axmed-Assad aad uga tiiraanyooday markii uu arkay in raga Soomaliyeed qalbigoodu si u maahsan yahay, oo Soomalinimo, wadaninimo iyo walalnimo iska daaye xataa naxariistii muslim-nimo ka guurtay. Halkaaas oo ay u bidhaantay in haweenkiina si dhabar adayg ah u gudanayaan waajibaadkoodii. 
 
Hooyooyinka Soomaliyeed si ay u kafaala qaataan quudinta qoysaskooda waxay intaa bacadka siigada leh ku iibinayaan alaabooyinka ay ka mid yihiin, caanaha, khudaarta, dhuxusha, irbadaha, xaabada, cawska, burjikooyinka IWM.  Halka ragga qaar badan oo ka mid ahi ay u taagan yihiin, dil, dhac, kufsi, axmaqnimo, qaad, daroogo, tubaako iyo sidii ay uga dhici lahaayeen waxoogaagii hooyadu caruurta u soo tacabtay(Ragga noocan oo kale ah waxay haweenka waqooyigu u yaqaanaan naanaysta ah Ruubaa-Raqaa)
 
Axmed-Assad isaga oo ku dhaliilaya nimanka Soomaliyeed kaalintooda ay gabeen, kuna dhiiri gelinaya in ay waajibkooda si xalaala ah u gutaan; islamarkaana haweenka ku dhiiri gelinaya inay dadaalka sii laban-laabaan ayaa wuxuu yiri:
 
 
 
01-Haweenkeena qaaliga ah
02-Hadaf-sare oo gobanimiyo
03-Himilo walaal-doonisiyo
04-Horumar nabad iyo samay
05-Intaa nala haybiyaaan
06-Hurdiyo raaxaba ka tage
07-Gaajaa hayl-hayshayoo
08-Habeenkii way qarwaan
09-Haraad wayn bay qabaan!
                     ...
 
10-Waxay Heelan u yihiin
11-Sidii loo Hormarin lahaa
12-Hooygaa aan seexaniyo
13-Hugaa aan xirano-iyo
14-Halaabada aan cuniyo
15-Dalkeenoo Hodan noqday
16-Intaa u hagoogan yiin
        ...
 
17-Hooyooyinka na xambaarayoow
18-Hibaaqyadii aan dhalnoow
19-Hablihii aan la dhalanayoow
20-Haweenkii noo dhaxooow
21-Horseed bulsho baad tihiin
22-Hidihii baad wali sidaan
23-Hiraabtii baad kacdaan
24-Harkaad noo baqoolaysaan
25-Hawl-qabad wacan baad tihiin
26-Horaad noo marinaysaan
         ...
 
27-Bal aan hakiyaa halkaa
28-Hilaabta u yara dhigtee
29-Higaada u yara qabtee
30-Hal qura aan milicsadee
31-Hooyooyinka aan xusee
32-Hablaha sharaftood qiree
33-Hoobaaleeyda ila dhaha
34-Hadaad Soomaali tiin!
       ...
 
35-Haweenku inuu hanaddo yahay
36-Kolkay Hiirtii tahiyo
37-Habeenkoo wali mugdi ah
38-Hurdayo aadmigu dhamaan
39-Hab raaxo u jiifayaan
40-Iyagu way hawlan yiin
41-Hankooday gudanayaan
42-Hawshooday qabanayaan
      ...
 
43-Dabay Holciyaan aroor
44-Waxay huriyaan dhimbiil
45-Canjeelay Halalmacshaan
46-Daawaha ay hoolayaan
47-Hanfiyo Saliid kulul ayaa
48-Hareerta ka leefaysoo
49-Hoor iyo ilinbaa ka quban
50-Hiih iyo silic bay intaa
51-Hooyooyinku nagu korshaan
       ...
 
52-Ragoow adiguna Hagaag
53-Halkaagii ka soo dhalaal
54-Hurdaayoow waar ka toos
55-Habeen baa kuu dumoo
56-Haweenkaa kaa mudanne!
       ...
 
57-Hooyooyinka baadiyuhu
58-Hiirtii bay noo kacaan
59-Xoolahay soo Hagaajiyaan
60-Haruub caano ah ayay
61-Ka soo Halaloobiyaan
62-Hamaha qabadiyo argeeg
63-Hagaag maygaaga ugu culan
64-Hamuun wacan oo udgoon
65-Ayay hilayaan intaas
66-Si loo Helo dheef macaan
67-Habeenkaana loo kabtiyo
       ...
 
68-Haweenku wanaagsanaa
69-Kolkuu Harku uu rogmado
70-Cadceedoo Holac ka kulul
71-Hanfigu uu soo baxee
72-Hawadu ay siigo tahay
73-Hooyada Soomaliyeed
74-Waxabay hufaysaa intaa
75-Galay bay haadiyaan
76-Haruurkay noo tumaan
77-Caruurtay noo Habaan
78-Halbawlay noo yihiin
79-Hadii aan garanaynee
       ...
 
80-Aroortii hadal qurxoon
81-Habeenkii eray macaaan
82-hantida maan uga dhignoo
83-Maruun hagardaamadiyo
84-Halgaada ka dhaafno’eey
85-Ragyohow hiifkiyo kadaa
86-Hanjabaada xaq'aan ahayn
87-Hoh iyo way-way ha'oran
88-Iyagaa Hanadnimo mudane!
       ...
 
89-Hadii Hanti aanay jirin
90-Hagarli'i xoogooday intaa
91-Hiil iyo hooba noo huraan
92-Halkii suuq ugu dhawbay
93-Waxay noo heli karaaaan
94-Haday burjikiyo kutahay
95-Haleelada caano geel
96-Amaba Hal-xanjiyo sigaar
97-U haybshaan sixiru suuq
98-Si loo helo quutalyoom
99-Oo uu qoysku u hirqado!
       ...
 
100-Iyadoo ilmuhu Hiigayaan
101-Haraad iyo oon ku nool
102-Habkay dhuxusha u gadaan
103-Yaambada ula Haadayaan
104-Sareenka u Haadiyaan
105-Hilbaha u dareerimaan
106-Qofkii Hooyo ay dhashoow
107-Haweenka Soomaliyeed
108-Hibiyo Cisi iyo wanaag
109-Hawraar wacan iyo naxriis
110-Ayaad ku Hadaaqi lahayd
111-Habeen iyo maalin bay
112-Ilmadu kaa Hoori layd
113-Hadii nasab aad tahoo
114-Hidiyo dhaqan leedahee!
       ...
 
115-Markay ragu Haajiraan
116-Colaadaha hurinayaan
117-Rasaasta u heegan yiin
118-Hub culusiyo kaarihiyo
119-Hoobiyeyaalkiyo madfaca
120-inagu kala heerayaan
121-dab inagu hurushaynayaan
122-Halbawle is'goyanayaan
123-Sokeeyaha hiifayaan
124-Abtiga Hanaq-goynayaan
125-Oo ay culimada Halgaad 
126-Haraati ku laynayaan
127-Hooyadu ubadkay intaas
128-Hagaagiisa jeceshahoo
129-hawshooday u taagan tahay
130-Dhabtay ku dul Haynaysaa
131-Horaadkay siinaysaa
132-Dharkay u Huluuqaysaa
133-Hurdada way ka caagan tahay
134-Marka Hargab uu ku dhaco
135-Ilmihii loo heesayee
136-Hoobeey Hoobeey la yirri!
       ... 
 
137-Illaahay Hodan sanaa
138-Haweenku wanaagsanaa
139-Hadaanaan Hali lahayn
140-Kuwaa noo Hagar baxay
141-Halaagu markuu na helay
142-Kuwii nala soo halgamey
143-Markaan habaqlaha ahayn
144-Kuwaa wada haybada leh 
145-Ragoo iska haydhafle ah
146-Kuwaa Harka iyo dugsi leh 
147-Dhirtiiyoon Harac Lahayn
148-Kuwaa Hidaheena sida
149-Hagoogan ee wada jiqda ah
150-Kuwaa Hurdo aan aqoon
151-Habsami xil u gudan yaqaan
       ...
 
152-Kuwaa Hufan ee qurxoon
153-Aduunyadu Heli karayn
154-Kuwaa Haybadiyo kalgacal 
155-Wanaaga u Heelanka ah
156-Kuwaa Hayin looga dhigay
157-Dhalaankeena lagu hamiyo
158-Kuwaa Hoyga noo dhisee
159-Hanfiga dayr nagaga xira  
160-Kuwaa Higilkee dugsooon
161-Xagaagoo hababac yiri
       ...
 
162-Haraadka kuwaa na tiray
163-Jiilaalkoon noo Hambayn
164-Hoh iyo way kuwaan lahay
165-Haantoo salku uu engegay
166-Hagardaamo kuwaan lahyn
167-Hadii martiyi u timaad
168-Handadaada kuwaan ku kicin  
169-Dadkoo Haniyaha is jaray
170-Hubiyo wax-dhac aan lahayn
171-Dalkoo Holac uu ka baxay
 
172-Hiifkiyo ciil kuwa ku nool
173-Halyayga markii la dilo
174-Kawaa ilmo Hililiq oran
175-Harmoodku markuu goblamo
176-Hiirtaanyo kuwaa ku nool
177-Agoomaha Haqabka tira
178-Hagbada kuwa inoogu jira
179-Si ay noo horumarshaan
       ....
 
180-Hadraawi kuwuu ku yiri
181-Aduunyo Hooyadda la'aan
182-Haraad kama aad baxdeen
183-Iftiinkana maad Hesheen
184-Kuwaa Halyaygii Carays
185-inay tahay lama Huraan
186-Halhays maanso uga dhigay
187-Kuwaa Hanadkii Kadiye
188-Hawshoodii inay guteen
189-Hooyaalaha gabay ku qiray
       ...
 
 
190-Halkale aan ugu daree
191-ILLAAHOOW Haybadlooow
192-Hal-wacan iyo khayr baxshoow
193-Humaag dam ah nuuriyooow
194-Halaag dadkoo ku jira
195-Rasuul soo Haabiyoooooow
196-Hidaayad gartoow macbuud
197-Wax badan baan Hibanayaaa
       ...
 
198-Haweenka Soomaliyeed
199-Ragoodii waa habsane
200-Hoobiye baasuukiyo
201-Hubiyo halisiyo rasaas 
202-Naftoodii ku Haligee
203-Hilibkooduu dugaag cunaa
204-Sidii Harag layska nacay
       ...
 
205-Hadeeyoow Eebe-ooow
206-Hooddaaloow Deeqsiyoow
207-Illaaha Hantida Lehoow
208-Ducooyinka midka Hirgashoow
209-Hawraar xaq ah oofiyoow
210-Halbaan kaa tuugayaa
       ...
 
211-Haweenkeena qaaliga ah
212-Hablaha Gobtee qurxoon
213-Heshiis colaada u badala
214-Hilaac roob oo nasri leh
215-Habsami beeruhu u baxaan
216-Hohobta faraq ugu gurtaan
217-Haleelada ugu godlaan
218-Habeen wacan oo dayaxah
219-Heelada ay ugu tuntaan
220-Hawd wacan oo bilicsame’a 
221-Hoy weyn ay uga dhistaan
222-Hurdada ay ugu bogtaan
223-Hawshana ay kaga nastaan
224-Hidaha ay ugu dhaqmaan
225-Tacliintana ugu hodmaan
226-Raxmaanoow ugu hibee
       ...
 
227-Illaahoow haybadloow
228-Aduunbaa heli karee
229-Hadiyad barakaysan sii
230-Intay haatan noolyihiin
231-Hadhow iyo aakhirana
232-Halkii uu nabigu tegay (SCW)
233-Hoygii janadee wacnaa
234-Hantidu ay buux ahayd
235-Hoodadu tiilay ee Fadaws
236-Habuuqiyo raysku yiil
237-Hoobaantu casaan ahayd
238-Barwaaqadu Hodan ahayd
239-Hadda iyo Woowga aan guntee
240-Illaahoow hore ka gee
       ...
241-Illaahoow haybadloow
242-Hawl iyo darxumay qabaan
243-Adaa wax Hagaajiyee
244-Horseed xuurarcayn kayeel
245-Hilmaan nagama ay mudnoo
246-Hormuud bay noo yihiin
247-Heshiisbay jecelyihiin
248-Wanaagbay haybiyaanooo
249-Hooyooyinku waa xalaale
250-Illaaahooooow horumar sii
 
AAAMIIIN AAAMIIIN AAAAMIN!
Waxaa Curiyay: Axmed-Assad
 
Facebook.com/Murtisoor
Twitter: AxmedAssad
Email: Ahmedy98@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply