Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MURTISOOR: KA WEECO WALACSIGA! W/Q: AXMED-ASSAD

Waxaa jirtay meel ka mid ah Soomaaliya oo in qof waan baahanahaye wax hala i siiyo uu dhaho ay kala sahlanayd inuu iska dhinto. Markaa qoyskii wax ay cunnaan waayaa baddanaaba iriddaha guriga ayay soo xiran jirreen illaa ay gaajo uga dhimanayaan ama Illaahay irsaaq kale ka siinnayo.
Maalintii dambe ayuu reer albaabkii soo xirtay iyadoo waliba ay xaaskuna umul ahayd. Goor barqo ah ayaa ninka walaalkii soo maray umushii oo gaajo xumi hayso oo dhawr maalmoodna aan waxba cunin. Ninkuna reerkiisii ayuu suuqa uga soo adeegay oo wuxuu sitay dambiil buux dhaaftay.
Bariido dabadeed, wuxuu ninkii umushii waydiiyay inuu walaalkii guriga jooggo iyo in kale, waxayna u sheegtay inuu maqan yahay. Markaasuu intuu umushii u soo dhawaaday tusay dambiishii oo uu ka buuxay hilib sararro ah oo baruur caddaan ahi ka dhex nuuraysay. Kolkaasuu intuu sarartii dambiisha kor uga soo saaray ku yiri, “maanta suuqii hilib noocan oo kale ah oo cajiib ah ayaa yaalaye,  markuu ninkaagii yimaaddo u sheeg ha iddiin soo gaddee!” Wuxuuna uga jeedday jees-jees iyo walacsi oo keliya ee axsaan iyo war la’aan middina ma haynin oo wuu oggaa inuu reerku iridka dhawr maalmood ka hor soo xirtay.
Markuu ninkii gurigiisii taggey ee hilibkii u dhiibay xaaskiisii si ay ugu kariso ayay dareentay ur aad u qarmuun oo hilibka ka soo kankamaysay.  Markaasay furtay si ay bal u fiiriso waxa meesha ku jirray, waxayna ku aragtay dooryaan/doorshaan iyo dirxi hilibka ka dhex buuxay. Kadibna kor ayay ugu qaylisay iyadoo naxsan sankana is haysa waxayna tiri, “xaaji waxani waa maxay? acuudu billaahiyooooow!”
Ninkii markuu dambiishii fiiriyayna wuxuu arkay sida wax u jirreen, kadibna naxdin darteed ayuu wadnuhu istaagay oo sidaasuu ku naf baxay!  Qisadan iyo siday wax u dhaceenba waxaa ka sheekeeyay umushii iyo xaaskiisii! Illaahoow toobadda hana seejin! AAMIIN!
Dullucda sheekadu waa haku jeesjeesin qof kaa liita.  Haddaad gabar tahay qurux ha ugu faanin mid kale oo walaashaa ah. Ka waran hadday wajiga kaa soo baxaan finan iyo nabaro waawayn oo qofkii ku arkaaba ku fiirin kari waayo!  Haddaad nin tahayna qof kaa awood yar tamar iyo tol midna ha ugu faanin, waayo waxaa laga yaabaa inaad curyaanto ama goblanto/goblantaan oo ay inkaari kugu dhacdo!
Bal ka waran dadka maalin kasta internetka soo gallinaya sawiro hilib dhaylo ah iyo cunto heer-sare ah oo ay isku soo sawirayaan?  Ma idin lihi yaan la isku soo sawirin makhaayad iyo adigoo saaxiibadaa wax la cunaya toonna amaba uga jeedda barmaamij waxbarasho cunto karinta ku saabsan, haseyeeshee waxaan ka diggayaa waa dadka u qasdaya inay si ula kac ah u tusaan dhayladda saxanka ku jirta quruxdeeda iyo macaankeeda ee agoomaha iyo masaakiinta ku walacsanaya!
Haddaba, qofkii aad aragto inuu kaa liito qalbigaaga u debci oo tus naxariis iyo walaalnimo, haddaad wax ku dhaantana wixii karaankaaga ah ee aad ku kaalmayn karto ku caawi. Waxaa jirra, ill, inshaaro iyo karaamo, nimcadana waa la isku eeggayaaye ogsoonoow!
Walaalkiin,
W/Q: Axmed-Assad, Barmaamijkii Murtisoor.
Facebook: Facebook.com/Murtisoor (Like it)
Email: Ahmedy98@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply