Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad xadhiga lagaga jaray xarun Caafimaad oo ka dhacdey degmada Ceegaag.

Munaasibad xadhiga lagaga jarayey xarun caafimaad MCH ka degmada Ceegaag ee gobolka cayn, Ayaa maanta ka dhacdey degmadaas ceegaag.

Daawo Universal TV

https://www.youtube.com/watch?v=

Daawo Somalichanel

Munaasibadan oo ahayd mid ay kasoo qeyb galeen Waxgarad,Cuqaal,Ururada Bulshada, Haweenka degmada Ceegaag, Iyo dhamaan bulshada kala duwan ee ku dhaqan halkaasi.

Munaasibada ayaa ahayd mid xadhiga looga jareyey dhameystirka xaruntan caafimaad ee MCH ka degmada Ceegaag. Hadaba munaasibadan ayaa waxa ugu horeynba ka hadley hawlwadeenka xaruntan caafimaadka MCH ka degmada Cabdiriigle Xaaji Cali, Yadoo uu masuulkani ku dheeraadey mahadcelin balaadhan oo uu markaasi usoo jeedinayo GOVERNMENT ALBERTO oo ah gobolka mida Canada Iyo Haayada waxbarashada iyo hurmarinta reer miyiga ee loo soo gaabiyo SCERDO, Islamar ahaantaana amaaney qurba joogta kasoo jeeda degmadan Ceegaag.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi xadhiga ka jarey Xaruntan Caafimaad ee MCH ka degmada Ceegaag, Proffessor C/risaaq Maxamed Aadan’Lafoole’ oo isna markaasi sheegay in ay tahay wax lagu faano wax qabadyada ka socda degmada Ceegaag oo ay markaasi gacanweyn ka geeysanayaan Qurbajoogta ku dhashey Degmadatan.

Sidoo kale waxaa yana halkaasi qudbado fara badan kasoo jeediyey Waxgaradka,Cuqaash,Ururada Haweenka,Iyo dhamaan Ururada Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag