Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad lagu taageerayo maamulka Khaatumo oo Muqdisho lagu qabtay. Daawo

Munaasabadda lagu taageerayay maamulka Khaatumo ayaa waxaa ka qeybagalay Goloha dhaqanka ee maamulka Khaatumo, Xildhibaano, Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Madaxmed Yuusuf Indhasheel, Odayaal iyo dadweynaha kale oo munaasabadaasi lagu casuumay, waxaana munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Suldaan Siciid Cismaan Cali oo ka hadley munaasabada ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan madaxda dowladda Soomaaliya isla markaana ay kala hadli doonaan qorshayaasha iyo ahdaafta maamulka Khaatumo. Suldaan Saciid ayaa intaa ku daray in dadka dega deegaanada Khaatumo State ay yihiin kuwo jecel nabadda isla markaana ay doonayaan deriskooda in ay si nabadgeliyo ah kula noolaadaan. Isagoo intaa ku daray in habeen iyo maalin dadka reer Khaatumo lagu dilayo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah odayaasha reer Khaatumo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka shaqeyso ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo wax kala tabanaya.

www.ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply