Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad Ku Saabsan is dhex-galka Bulshada Iyo Bixinta Canshuuraha oo Ka Dhacday Jowhar

Ku simaha guddoomiyaha degmada jowhar iyo ku xigeenka dhanka arimaha
bulshada ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan is dhex galka
bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka
dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen
canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka
Dagmada Jowhar ee gobalka Sh. Dhexe.
Munaasabadda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha bulshada iyo qaar ka mid
ah ururka haweenka gobolka, dhalinyarada, iyo waxgaradka, iyadoo intii
ay munaasabaddu socotay goobta lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysa
bixinta canshuuraha iyo ka qeyb qaadashada isdhexgalka bulshada.
Ku simaha Guddoomiyaha degmada Jowhar Xasan Barow Bocor ayaa ku
dheeraaday ka hadlidda waxyaabaha u qabsoomay Maamulkiisa, waxaana uu
ugu dadka degmada inay ka qeyb qaataan horumarinta deegaanka iyo
degmada.
Ku simaha Guddoomiyaha degmada jowhar ayaa sidoo kale ka hadlay arimo
badan oo ay ka midyihiin aminga, waxbarashada, caafimaadka,
nadaafadda, bixinta canshuuraha, dayactirka waddooyinka iyo in la
badindoono nalalka cad ceedda ku shaqeysa, waxaana uu bogaadiyay
maamulka iyo shacabka degmada Jowhar inay u istaagaan ka qeybqadashada
Horumarka dalka.
“Magaalada Jowhar waa amni, waxaadna la socotaan in qiimayntii lagu
sameeyay nabad galyada magaalooyinka ay kaalinta koowaad ka gashay
magaaladeena jowhar.”ayuu yiri gudoomiye Bocor.
Ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada ayaa dhankiisa ku amaanay
madaxda gobalka, kan degmada iyo shacab inay isku duuban yihiin ,
horumarka iyo nabadgalyada ka jirta gobolka ay suurto galisay wada
shaqaynta ka dhexayso shicibka iyo maamulka.
Maamulka degmada Jowhar ayaa wada shaqeyn dhow kala dhxexeyso bulshada
qaybaheeda kala duwan, waxaayna dhawaan booqasho ku sameeyeen
dugsiyada wax lagu barto ee degmada Jowhar, waxayna sidoo kale soo
agaasimeen olole nadaafad oo ay ka qayb qaateen arday iyo bulshada
qaybaheeda kala duwan ee degmada Jowhar.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply