Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mudaharaad Lagaagsoo Horjeedo Madaxwaynihii hore ee Awdal State Rashiid Awnuur oo Boorama Ka Dhacay

Sida lagu baahiyay cod baahiyayaal waxa maalintii shalay ahayd dadwaynaha ku noola maagalada Borama la ogaysiiyay in uu magaalada kusoo socdo madaxweynihii hore ee Awdal state Rashiid Awnuur. Markii uu waagu baryay ayaa waxa lagu arkayay magaalada gudaheeda baabuur uu ku dhejisan yahay sawirka Rashiid Awnuur iyo labo xubnood oo kale oo ku wehelinaya safarka,baabuurta qaarkood ayaa kaga hortagay duleed degmada Borama illaa laga gaadhayo magaalada Dilla.

Safarka oo magaalada Borama soo gaadhay xilli dadka badankiisu u dareereen sallaadda duhur ayaa qorshuhu ahaa in waftigani uu ka hadlo khayriyada magaalada Borama sidii lagu yiqiinay madaxda heer qaran iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddu dabada ka eryayso.Markii waftigani soo gaadhay khayriyada magaalada Borama ayaa qorshuhu noqon waayay sidii ay ugu talo galeen oo waxa shacabkii isugu yimid khayriyada magaalada Borama ka dhex toosay dadweyne kale oo u hadlayay sidii dad mudaharaadaya oo ku dhawaaqayay kalmado ay ka mid yihiin “doonimayo”.intaa kadib kooxdii mudaharaadaysay waxa kale kaxeeyay ciidan booliska oo raasas circa u ridaya ,halka Rashiid Aw-nuur iyo waftigii uu hoggaaminayayna lagu xareeyay saldhigga dhexe ee magalaada Borama,kadibna waxa waftiggan loo gudbiyay dhinaca Hotelka Rays oo hadda ay ku sugan yihiin.

Rashiid Aw-nuur iyo waftigga uu hoggaaminayo ayaa ah markii uguu horaysay ee magaalada Borama soo gaadhaan tan iyo markii ay shaaciyeen inay u hoggaansameen shuruucda S/land,waxa kale oo isasoo taraya dhaleecaynta iyo faaqidaadda shacabku ku nool magaalada Borama ay kaga hadlayaan fikirka taagta daran ee ay qaateen Rashiid Aw-nuur iyo kooxdiisu sida uu qabo mukhtaar Maxamed oo kamid ahaa dadkii goobjoogga u ahaa safarkan, waxa kale oo uu intaasi ku daray muwaadinkani in shacabka ku mudahaarday ku saxsanyihiin fikirkooda wuxuuna yidhi:” dhalinyarta saaka fikirkooda cabbiray way fiican yihiin, Rashiid Awnuur na la yaab maleh oo kaliya wuxuu ka fikirayaa danihiisa gaarka ah.”

Go’aankankan Rahiid Aw-nuur iyo kooxdiisu iskugu soo dhiibeen S/land ayaa shacabka ku nool magaaLada siyaabo kala duwan uga hadleen lakiin duurxulka fikirkooda ayaa lagu micnayn karaa mid badankoodu ay diiddan yihiin go’aanka ay qaateen kooxdani sida uu qabo Garyaqaan Axmed dhagacaleen :” ,” madaxweynihii hore ee Awdal state ee hadda ku sugay Borama waa shakhsigii ugu waxqabadka xumaa intii uu xilka hayay oo waxa uu muddadii uu xilka hayay ku mashquulay xaflado iyo wax aan macno buuxa samaynayn,imaatinkiisuna macno buuran ma samaynayo haddii uu madaxweyne yahay waxa la xaajoon lahaa oo wada hadalkan ka qaybqaadan lahaa madaxweynaha s/land sidii xagle toosiye oo kale ,dhinaca kale haddii laga eegana waa siyaasad beesha uu kasoo jeedo Rashiid Aw nuur xilal iyo jagooyin hor leh kaga doonayso xukuumadda s/land.”

Iskusoo wada duuboo safarkan ayaa la war sugayaa meesha uu salka dhigto kooxda uu horkacayo Rashiid Awnuur iyo sida ay ula xidhiidhi doonaan bulshada ku nool magaalada Borama ee badankeedu la yaabban tahay mawqifkan aan micnaha badan sammaynayn.

Xigasho: Haameelnews

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag