Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muctamar Diimeedkii Sanadlaha ahaa ee reer Boston oo Xalay lasoo gabogabeeyay

Waxaa xalay lasoo gabo gabeeyay muctamarkii Lixaad(6aad) ee reer Boston, kulan diimeedkan ayaa waxaa soo agaasimay masjidka Soomaalida ee magaalada Boston “Al-Taqwaa” kulan diimeedkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ahmiyada Qoyska ee mushtamaca Muslimiinta iyada oo si waadaxa looga hadlay dhinacyo badan oo khuseeya dhawrida sharafta shaqsiyadeed ee lamanayaasha qoyseed ama cidii daneenasa inay lamaane la noqoto walaalkeed ama walaashiisa Islaamka ah.
Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay habka loo ilaalinayo Cirdiga, Isirka, iyo maalka qoyska Islaamka ah, waxaa iyana laqaadaadhigay sida loo ilaalinayo maskaxda soo korasa iyada oo si waadaxa looga hadlay in ay caruurtu u baahan yihiin Aabo iyo Hooyo wada jooga hadii aysan xal noqon kala tagidoodu.
Waxaa iyana muctamarka hadalo dhiiro galin ah kazoo jeediyay qaybo ka mida hormoodyada Bulshada, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay heerka duruusta ee ardayda dugsiga Al-Taqwa dhinacyadiisa kala duwan. Dhamaan Muaxaadarooyinkii iyo hadaladii laga soo jeediyay madasha Muctamarka oo socday Sadexdii cisho ee inasoo dhaafay waxaad ka heli kartaa shabakada Dugsiga Al-Taqwaan ama Xarunta Dhexe eeIslaamka reer Boston.

 

Daawo Sawirada Muctamar Diimeedkii 6aad ee Boston


 

ceegaag.com

 


 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag