Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Midowga Dhallinyarada Puntland

Waxaan kubilaabaynaa Magac Allah Ee naxariis oo dhaniskaleh

  • Kadib markaan aragnay dhibaatada isdaba jooga ah oo aan xadka lahayn oo kudhacaysa Isimadii, Nabadoonadii, waxgaradkii, aqoonyahanaddii, baayacmushtarkii, siyaasiyiintii, Maatadii, carruurtii iyo haweenkii.
  • Kadib markaan aragnay ardadii wax ka soo bartay gudaha iyo dibadaba oo dalanbaabi lawareegaya CV-yo oo cid hoos u ee gaysaa aanay jirin oo niyad jab iyo quusasho la baday.
  • Kadib markaan aragnay magaalooyinkii iyo degaanadii Reer Puntland oo gacanta u galay duul shisheeye iyo duul shisheeye kalkaal ah oo bahdil iyo sharaf dhac kuhaya shacabkii sharafta iyo qiimaha Rabbi kumanaystay.
  • Kadib markaan aragnay masaajadadii Eebe lagu caabudayey oo culamadii biri magayda ahayd lagu laynayo.
  • Kadib markaan aragnay in dhiiga shacabkii sharafta lahaa noqday sahal daadintiisu gudaha magaalooyinka iyo daafahoodaba.
  • Kadib markaan aragnay in midnimadii iyo isu damqashadii shacabka Reer Puntland la waayey oo reerba meel gaar ah bahal ku cunayo.
  • Kadib markaan  aragnay faraxumaynta sharaf dhaca ah ee laguhayo dumarkii sharafta iyo qiimaha badnaa oo haddana usoo gudubtay in caruurtii iskuulada aadijirtay welwel laga qabo soo  noqoshadooda.
  • Kadib markaan aragnay ka gilgelasha la’aanta xumaanta isdaba jooga ah ee laguhayo shacabka Reer Puntland.
  • Kadib markaan aragnay sharaf la’aanta haysata bulshadii magaca iyo sharafta ku dhex lahayd bulshooyinka kale oo aan manta golayaasha laysugu yimaado ka dhex kaftami Karin.

Anagoo ah Midowga Dhallinyarada Puntland waxaan go’aan ku gaarnay qodobadaan hoos ku xusan…

v In aanan dib danbe u eegan sharaf xumada iyo nabad la’aanta soo wajahday bulshadayadii magaca iyo maamuuska lahayd ee Puntland.

v Inaan kashaqayno sidaan usoo celin lahayn isu damqashadii iyo hiilkii ka dhaxeeyey dhammaan bulshada Reer Puntland.

v Inaan dhamayno khilaafaadka  keenay in la waayo wax wada qabsigii iyo is ehelaysigii ka dhaxayn jiray bulshada Reer Puntland.

v In Ninkii ruux Reer Puntland ah dilaa la mid yahay nin Reer Puntland oo dhan dilay ninkii ruux Reer Puntland wanaajiyaana la mid yahay nin Puntland oodhan wanaajiyey.

v In talada Reer Puntland wax lagasiiyo wax garadkii loo idmaday ee ahaa Isimada, Caaqilada,   Nabadoonada, wax garadka silooga shaqeeyo wadajirka, midnimada iyo sharaf  kuwada noolshaha dhammaan bulshada Reer Puntland.

v In laga hortago dhammaan ururada iyo siyaasiyiinta caadaystay kala kaxaynta iyo iskudirka bulshada Reer Puntland iyagoo ku qaraabanaya kashaqaynta danaha iyo magaca Bulshada Reer Puntland.

v In aan isutaagno annagoo u hurayna naf iyo maalba sidii loo heli lahaa loona soo celin lahaa wadajirkii, midnimadii, sumcaddii, sharaftii iyo nabaddii dhammaan bulshada Reer Puntland anagoon cidna xumaan u gaysanayn.

v In aan marna laga nasan lagana daalin sidii ay kusuurto geli lahayd soo celinta midnimadii Bulashada Reer Puntland.

v In aan ugu baaqno walaalaheena  kale ee Killinka Shanaad iyo Jubbaland sidii a

an uga shaqayn lahayn oo u hergelin lahayn wadajir iyo iskaashi taaba gala

v In aan Allah Bari samayno inagoo Allah Subxaanuhu Watacaalaa meel kasta aanjoogno kabaryeena inuu inoosahlo oo inoo fududeeyo siday noogu hergeli lahayd arimahaas aan kor kusoo sheegnay.

Codsi…

Ku… Isimada beelaha Reer Puntland

Ku… Dhammaan Caaqilada beelaha Reer Puntland

Ku… Dhammaan Nabadoonada beelaha Reer Puntland

Ku… Dhammaan Culumada, Aqoonyahanada iyo Wax garadka Reer Puntland

Ku… Dhammaan Dumarka Reer Puntland gudaha iyo dibaddaba

Waxaan ka codsanaynaa in ay wixii talo iyo tusaale ah ee sahli kara soo celinta Midnimadii,  Sharaftii,  Sumcaddii Iyo Magacii Reer Puntland nagu kaalmeeyaan idinkoo noogusoo diraya Emailka hoos kuqoran…Ku… Dhammaan Dhalinyarada Reer Puntland gudaha iyo dibaddaba

Waxaan kaloo codsi u diraynaa Ciddii damiir leh oo daacada oo doonaysa wanaagga iyo midaynta Reer Puntland inay kaqayb qaataan isu taagidda sidii looga miro dhalin lahaa arimahaas kor kuxusan fadlan waxaad nagala soo xeriirtaan Haddii Allah idmo Emailkaan hoos kuqoran

Guurey@hotmail.com

WabiLaahiTawfiiq

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply