Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MEHRIJAANKII AFRAAD EE AGOONTA QATAR CHARITY OO LAGU QABTAY MUQDISHO

Bandhig ama mehrijaan loosameeyey qaar kamid ah agoonta Qatar charity oo gaarayey inkabadan 1,500 kun iyo shanboqol  ookamid ah 9000 sagaalka kun ee agoon ah ee ay xanaanadeeda ay hayso ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.

Mehrijaankan oo ay ka soo qeybgaleen  masuuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka federaalka soomaaliyeed Prof-maxamed cismaan jawaari gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho xasan xuseen  muungaab,masuuliyiin ka socotay safaaradaha caalamka ka jooga soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay QATAR CHARITY .

Ugu horeyn waxaa ka hadlay midkamid ah aas aasayaashii QATAR CHARITY sheikh JAAZIM  oo ku amaanay xafiiska soomaaliya ee hayadooda da daalka iyo howl karnimada ay sameeyeen iyagoo sanado kooban ku muujiyey waxqabad aad ubalaaran oo lataaban karo  wuxuuna ku sii dhiiri geliyey inay  dadaalkooda siilaba laabaan, mar uu kahadlayey aas aaskii QATAR CHARITY ee fadhigeeda uu yahay doxa qadar sideetamaadkii waa loo, aas aasay ay ahayd inay wax badan ka qabato arimaha bulshada waana wax alla looga mahad naqo inay manta ay hayada qadar ay ka shaqeyso caalamka wadamada ugu badan .

Gudoomiyaha baarlamaan soomaaliya ayaa  tujaarta soomaaliyeed  usoo jeediyey inay maalkooda agoonta soomaaliyeed wax ugu qabtaan , waxa kale oo uusheegay in golaha baarlamaanka uu hordhigi doono waxa ay manta soobandhigeen caruurta agoonta ah  waxa uuna ubalan qaaday in ay maalinkamid ah ay ska sooqeybgali doonaan fadhiyada baarlamaanka ayna halkaasi su,aallo kuweydiin doonaan golaha shacabka.

“Agoon matihiin waxaa dhintay aabihiin laakiin waxaad haysataan daryeel aad uwanaagsan oo isoo jiitay “.

Waxaan umahadcelinayaa hayada  QATAR CHARITY oo kamid ah hayadaha fara ku tiriska ah ee dalka soomaaliya wax weyn utaray sida aan ka aragnay waxqabadkooda  fillim kaan aaan daawanay iyo waliba hayada masuuliyiinteeda soomaaliya oo markasta warbixinadooda inoo keena weyna ku mahadsanyihiin waxayna sharaf usoo jiideen dhamaan shacabka soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay xillkii ay umada uhaayeen ay uguteen iyagana ilaahay wax wanaagsan ha ugu badalo waqtiga ay ku bixiyeen waxaana qori doonta taariikhda  ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey  gudoomiyahabaarlamaanka soomaaliya  “.

Waxaa iyana hadal Qiiro badan halkaasi ka soojeedisay  RAA,IDA CALI MAXAMUUD   u hadleysay dhamaan agoonta soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayso QATAR CHARITY  iyadoo ka soo qeybgalayaasha indhahooda laga dareemayey illin ay ilmeynayeen hadalada ay halkaasi ka jeedisay  waxayna ardayadaas umahadcelisay QATAR CHARITY  oo fidisay daryeel iyo waxbarashada intaba.

Mehrijaankii afraad ayaa waxa uu ku soogabagaboobay jawi aad uquruxbadan iyaga oo ay agoonta soobandhigeen ciyaaro kala duwan maalintaasna waxay u,ahayd maalin niyadooda kuweyn.

QATAR CHARITY   xafiiskeeda soomaaliya ayaa waxa uu qabtaa howlo baaxad weyn oo isugu jira horumarinta bulshada  qeybaheeda kala duwan .

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply