Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday Hargaysa

Allaha u naxariistee Fannaankii weynaa Maxamed Axmed Kuluc ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaalka guud ee magaalada Hargaysa.

Abwaan Cabdikariin Faarax  Qaarey Jiir oo ah Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaakada Qaranka Soomaaliyeed oo ay soo wada shaqeeyeen Maxamed  Axmed Kuluc 1952 wixii ka dambeeyay ayaa Radio Muqdisho u sheegay in fannaanka Alle ha u naxariistee uu ahaa Fannaan qaali ku ah Bulshada Soomaaliyeed isla markaana uu ahaa Xidiga fanka.

“Wuxuu ahaa Fanaaniinta Ninkii ugu Qiimaha badnaa wuxuu ahaa nin dagan oo xishood badan Wuxuu ahaa Ninkii ugu horeeyay ee heelaloy qaaday Ehelkiisii iyo Guud ahaan Umada Soomaaliyeed samir alaah haka siiyo”ayuu yiri Abwaan C/kariin Jiir.

sidoo kalehawlwadeenana shabakadan ceegaag ayaa tacsi u diraye reer  Maxamed Axmed Kuluc. Marxuumkana waxaan ilaahay ugabaryanaainuu Janada Fardowso ka waraabiyo AAMMIINN.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply