Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa Jaamacadda Nugaal U qabsoomey Guud ahaan, Gaar ahaan sanad dugsiyeedkii tagey: Waa maxay qorshaha dhow iyo kan fog?

Horudhac
Iyadoo fekerka iyo riyadii aasaaska jaamacadda Nugaal ay ahayd 1999. Iyadoo furitaanka jaamacaddu uu aha iskaashi dhex marey waxgaradka deegaanka iyo qurba joogta u dhalatey deegaanka. Iyadoo 11 sano ay ka soo wareegtey dhagax dhiggii iyo furitaankii jaamacadda Nugaal ee magaalada Lasanod, gobalka Sool. Ayaa waxa is xusuusin mudan in Jaamacaddu ay soo martey marxalado ama heerar kala duwan. Waxa sidoo kale xusuus mudan in deegaanka Jaamacaddu ku taal ay ku geedaamin yihiin duruufo siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo kuwa bulsho intaba. Si kastaba ha ahaatee, waxa Alle mahadiis ah in jaamacadda Nugaal oo ay si wadajir ah uga hawl-galaan hormuudna ka yihiin waalidiinta, ardayda dhigata jaamacadda, kuwa ka baxay, macalimiin iyo maamul isla markaana haysata taageerada bulshada gudaha iyo dibadaba. Taasi waxay keentey in maanta Jaamacaddu marayso marxlad wanaagsan oo qofkasta oo jecel danta guud ee deegaanka SSC uu ku faani karo.
Shaki ma leh oo wax bani aadam gacanta ku hayo gaabis iyo dal dalool lagama waayayo, sidoo kale waxan meesha ka madhnayn duruufo deegaanka u gaar ah iyo iyadoo beesha caalamku (International communities), ay ku calaamadisey deeegaanka waxa loogu yeedho meel laysku haysto (Disputed area). Sidaas daraadeed, waxan qoraalkan kooban ku xusi doonaa waxyaabihii inoo qabsoomey sanadkii tagey guud ahaan iyo waxyaabaha inoo qorsheysan sanadkan aynu ku jiro.

Halkan ka Akhriso Warbixinta oo dhamays tiran Maxaa Jaamacadda Nugaal U qabsoomey edit version

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply