Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MAXAA AF-SOOMAALI LAGU YIRAAHDAA MAALMAHA TODOBAADKA

Ma ogtahay akhristow 
Ayaamaha todobada ah 
Mid waliba iskeed bay 
Magac loo alkumay iyo 
Gaar aan ugu astaynay!”

Dhabtii, ummadaha dunidan ku dhaqan mid waliba waxay maalmaha todobaadku ugu suntanyihiin magacyo gaar ah. Idil dalalka ku hadla afka Ingriiska oo dalka Ingriisku(England) hormuud u yahay waxay maalin walba oo kamid ah todobada maalmood ku laqeeyaan magacyda meerayasha, qoraxda, sanabayada iwmm…

Tusaale : 
*Saturday: Saturn, Roman God of agriculture and vegetation 
*Sunday: The sun 
*Monday: The moon

Haddaba Soomaalidu waxba kagama duwana umadaha aan kor ku soo carabbaabay. Maalmaha iyo bilahuba waxay u lahaan jireen walina u leeyihiin magacyo gaar ah oo mid walbana ay xigmadi ku mariiman tahay. Inkastoo magacyadaas qaarkood ay sii wis leeyihiin. Maanta waxaan idiin soo bandhigayaa magacyada Soomaaliga ah ee loo yaqaan maalmaha todobaadka, aniga oo meelaha qaarkood doodayda cuskinaya tix iyo tiraab faneedba.

1. ULUF (waa Sabti): Waa tan la yiraahdo: ‘
‘Uluf geeddi la raray iyo 
Agagas cirfiid isma seeggana”

2.ASTUB (waa Axad): waa tan layiraaho, ”indha adakaa ma Astub buu dhashay.”

3. ALWAN (Isniin), waa tii khaliifaddii Sareedo Liilaaf ay ku madiixday, 
”Alwaneey- Alwaneey, 
Udgoonow nebigii, 
Ayaantuu dhashayee, 
Ambiyow ibliiskii, 
La ilmeeyey baroorta.” 
4. TARAKO (waa Talaada). Tarako dadkii hore waxay u ahyd maalin belo, oo waa tii ninkii geela u heesay uu lahaa: 
”Dar-tubqaal iyo, 
Maalin Tarako.ah, 
Nin ku soo tubay, 
Kuuma turin oo,
Tooyoy kuma laha.” 
5. WARKI (Waa Arbaca). Soomaalidii hore maalinta Warkida waxay u ahayd maalin abshir ah waxayna ku ducaysan jireen:- ”Waaqoow (Allow) Warki iyo wedkeenna kulmi.” 
6. TAKAAR (Waa khamiis). Soomaalidii hore, Takaartu waxay u ahayd maalin ciyaar iyo farxadeed. Barbaarkii rabey in uu ciyaarta oogo waatuu lahaa: 
”Hobeey caawa teed iyo, 
Hobeey waa Takaareey, 
Hoobeey wiilal tiirshiyo, 
Hoobeey meeye timadheer, 
Hoobeey tiirka xooggiyo, 
Hoobeey jaantu tiicdaye, 
Hobey ma taababkaa go’an.” 
7. TUMBUD (Waa Jimce). Maalinta Tumbud waxay ahayd maalin go’aanka iyo guddoonka arrimaha culus la rido.

W/D: Hanad Siciid

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply