Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Masuuliyiinta Maamulka Jubba iyo Waxgaradka Beelaha oo ka Wada Hadlay Nabadgelyada Kismaayo iyo Dilalkii ka Dhacay.

Kadib markii maal mahii lasoo dhaafay ay magaalada Kismaayo ka jireen xiisado ka dhashay dil magaalada ka dhacay maalintii Sabtida ee 23-kii bishaan.
Hoteelka Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo maanta waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen masuuliyiin katirsan maamulka Jubba Land kuwaasi oo uu hormuud u ahaa Madaxweyne kuxigeenka koowaad Gen. Fartaag iyo waxgarad ka kala socda beelaha beelaha Absame iyo Harti.
Kulanka oo muddo saacado ah socday ayaa waxaa la isku afgartay in guddiyo loo saaro dhibkii dhacay iyo baaritaanka dilkii loo geystay Nabadoon Cabdiladiif oo sidoo kale kamid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo.
Masuuliyiinta maamulka Jubba Land ayaa waxgaradka labada dhinac waxay kula dardaarmeen in laga shaqeeyo nabadda iyo deganaanshaha amniga magaalada Kismaayo oo maal mahan ay ka dhacaayeen falal nabadgelyo darro.
Maalintii Sabtida ee aan kasoo gudubnay ayaa magaalada Kismaayo waxaa lagu dilay Nabadoon Cabdi Ladiif kaas oo lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa dilka nin kale oo isla maalintii lagu dilay magaalada.
Arrintaasi oo dhalisay tuhun iyo kala shaki beelaha Absame iyo Harti dhexdooda ah ayaa maamulka Jubba Land iyo waxgaradka beelaha Jubba Land waxay iminka ku mashquulsan yihiin sidii loo xallin lahaa.

Ceegaag Online

kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag