Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mashruuc Shaqooyin lagu siinayo Gabdhaha Jaamacadaha ka baxay oo Muqdisho lagu Daah-rogay

Mashruuc shaqo lagu siinayo gabdhaha ka qalin jebiyay jaamacadaha ayaa laga furay magaalada Muqdisho. Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Dalladda Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay in la suurtogeliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan shirkadaha, hay’adaha, goobaha waxbarashada, dowladda iyo guud ahaan  inta shaqooyinka bixisa.

 Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay daraasad ka hadleyso heerka shaqo-helista ee gabdhaha jaamacadaha ka baxay, waxaana daraasadda lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waaweyn ee gabdhaha ka haysta inay shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir la leh, kuwo la xiriira shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqanka Soomaaliyeed.

 Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay website la yiraahdo fursad.so oo loogu talo galay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay ku soo bandhigan karaan CV-gooda, sidoo kale shirkadaha iyo hay’adaha shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo siiyaan. Waxaa sidoo kale daaha laga rogay nidaam SMS ah oo dadka shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha iyo hay’adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo yaqaano.

 Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay waxay dhammaantood isla qireen in gabdhaha aysan shaqo u helin si la mid ah wiilashii ay isku jaamacadda ka soo baxeen. Waxaa laysla gartay inay tahay mas’uuliyad qof kasta saaran inuu kaalintiisa ka geysto.

 Mas’uuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa: Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed; Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya; Agaasimaha dalladda SOSCENSA; Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarashada; Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Wasiir hore C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow).

C/naasir yuusuf macalin

muqdisha somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply