Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Masaajidka ugu weyn qaaradda Yurub oo maanta laga furay magaalada Moscow

Masaajidkan oo laga hirgeliyay bartamaha Magaalada Moscow, ayaa noqonaya Masaajidka ugu weyn uguna dheer ee Masaajida ku yaala dalalka Yurub, sida uu sheegay Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka. Madaxweynaha, ayaa maanta xariga ka jaray Masaajidkan, wuxuuna sheegay Islaamku in uu ka mid yahay dhaqan ahaan diimaha ay dadka Ruushku aaminsan yihiin.

Madaxweynuhu wuxuu ammaanay dagaalka uu Islaamka kula jiro ururada mayalka adag ee dunida ka jira, isagoo tilmaamay dhibaatada ay gaysanayan xagjiriinta inaanay ka turjumayn macnaha Islaamka. Madaxweynayaasha Turkiga iyo Falastiin, Recep Tayyip Erdogan iyo Mahmoud Abbas, ayaa ka qaybgalay munaasabaddii maanta xariga looga jaray Masaajidkaasi. Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa sheegay in Islaamku uu yahay mid nabadeed, dhinaca kalana wuxuu booriyay tallaabada Masaajidkan looga dhisay Magaalada Moscow.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply