Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Marxuum Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” ma Damuljidiidbaa dilay mise dad ku xumeenaya?

Waxaanu tacsi udiranaa dhamaan Qayskii iyo qaraabadii Marxuum Maxamed Warsame Maxamed “Feysal”  oo sida aad wada ogtihiin ku geeryooday Dil qorshaysan oo loogu gaystay magaalada Muqdisho, Waxaa ilaa hada aan jirin amaba aan soconin baadhitaan ama gudi madax banaan oo loo magacaabay baadhitaanka Xildhibaanka.

Dilalka siyaasadeesan ayaa badanaa ay ku lug yeelan karaan uun laba kooxood kooxda Damuljidiid ee xukunka gacanta ku haysa  ama kuwa la dagaalamaya ee Al-shabaab iyada oo labadan looga fadhiyo kuwana inay sheegtaan dilka kuwa kalena hadii aysan gaysanin dilka inay u saaraan gudi madax banaan oo baadha dilkaa.

dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka ka qeybgalay aaska Marxuum Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid halkaasi ka jeediyay erayo tacsi ah.“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Innaa lillaahi wa inaa illaahi raajicuun, xildhibaan Maxamed Warsame Feysal wuxuu ahaa nin geesi ah, Wadani ah, xaqa iyo xaqdaradu u kala saarantahay, weligiisna waxa uu qabo aanan ka leexan, si cadna u sheega, wuxuu ahaa dadka maanta Soomaaliya u baahan tahay dadka ugu horeeya, Alle ha u naxariisto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay inay dishay gacan ka xaq daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale yiri. “Wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u Halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa Feysal ma dhiman, waa noolyahay, waana in looga daydaa sidii uu runta u sheegi jiray”.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tacsi u diray Sidoo kale, si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Marxuum Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” ma Damuljidiidbaa dilay mise dad ku xumeenaya?