Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warmurtiyeed ka soo baxay dadwaynaha reer Ceegaag ee gudo iyo dibadaba Axadii March 13, 2016

Warmurtiyeed ka soo baxay dadwaynaha reer Ceegaag ee gudo iyo dibadaba Axadii March 13, 2016

Ku: Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Ku: Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Ku: Salaadiinta Bariga Burco.

Og:  Dawlada Dederaalka Soomaaliya.

Og: Maamulka Khaatumo.

Og: Maamulka Puntland.

Og: Isimada beesha Dhulbahante .

Og: Xildhibaanada beesha Dhulbahane ee Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Ceegaag (March 14, 2016)
Ka dib xogururis , wadatashi, doodo dhaadheer iyo iswaraysi beesha dhexdeeda oo gudo iyo dibadba ah. Waxaa beesha degaanka Ceegaag soo saareen warmrtiyeedkan soo socda:
*. Waxaa beesha reer Ceegaag garawsatay in 10 sanadood ee ay jirtay Ceegaag ku horumartay nabadgalyada iyo xasiloonoda ay waxgaradka Ceegaag ee gudaha iyo dibadduba ay ku taliyeen in lagula noolaado deriska iyo maamulada ka dhisan dalka Soomaaliya gaar ahaan maamulada Khaatumo, Somaliland, Puntland, iyo Dawladda Federaalka.
*. Waxaa makhraati madoon ah, in masuuliyiin kakala socota maamuladaas aan kor ku soo sheegnay oo heer Wasiir, mid Xildhibaan, iyo mid Gobolba ay si nabdagalyo ah ku imanayeen kagana ambabaxayeen Ceegaag iyagoon wax cabsi ah ka qabin sugidda amnigooda inta ay joogaan Ceegaag.
*. Waxaa makhraati madoon ah in wufuudda ugubadan ee soo booqata Ceegaag in ay ugu badnaayeen kuwa ka soo jeeda Somaliland.
*. Waxaa makhraati madoon ah in dadwaynaha Ceegaag ula dhaqmaan dadka deriska la’ah ee ka soo jeeda bariga Burco si rixim iyo Soomaalinimo ah, kuna joogaan Ceegaag iyo nawaaxigeeda nabadgalyo buuxda,  sharaf iyo karaamo la mid ah tii ay ku lahaayeen degaamadooda  rasmiga  ah.

*. Waxaa makhraati madoon ah in Ceegaag lagu dhisay laguna degay maskaxdii muriqii iyo maalkii dadwaynaha Ceegaag ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

*. Waxaan xog sugan aanu ku helnay in duulaanka ciidamada Somaliland ee Ceegaag ay iska kaashadeen shaqsiyaadka kala ah  Maxamed Xaashi  oo ugu magacaaban Wasiirka madaxtooyada Somaliland kana soo jeeda deegaanka Oog, iyo Salabeen Xaglotoosiye oo ugu magacaaban Wasiirka Caafimaadka kuna sugun magaalada Buuhoodle.
Haddaba dadwaynaha reer Ceegaag ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa  waxay soo saareen Go’aanadan soo socda:
1. In si shuruud la’aan ah ciidama Somaliland uga baxaan degaan Ceegaag kuna noqdaan meelihii ay ka soo duuleen.
2. In maamulka Somaliland talaabo cad ka qaadaan cidii bixisay amarka ay ciidamadoodu ku qabsadeen degaanada hoos yimaada  Ceegaag iyadoo aanay jirin sabab keeni karta in tiro ciidan ah kuna hubaysan in ka badan 40 hubka culus ee looyaqaan Tiknikada ay ku soo galeen magaalada Ceegaag.
3. In dadwaynaha Ceegaag dib u eegid degdeg ah ku sameen doonaan xidhiidhkii ka  dhexeeyay maamulka Somaliland iyo reer Ceegaag kaas oo ku dhisnaa is nabad galin iyo is tixgalin isu dheelli tiran.
4. Waxaa beeshu digiin kama danbays ah u dirasaa shakhsiyaadka dhuuni qaatayaasha calooshooda u shaqaystayaasha  ah ee aan cidna matalin ee ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee isxanbaarka ugu magacaaban Somaliland ay ka waantoobaan in ay khalkhal ku abuuraan degaanada nabadda ah iyagoo horay xasiloonidarro iyo barakicin uga sameeyay inbadan oo ka mid ah degaanada Dhulbahante.
5. Waxaa dadwaynaha Ceegaag soo dhawaynayaan cidkadta oo horumar iyo nabadgalyo u keenaysa degaanka Ceegaag maamulka ay doonaan ha ka tirsanaadeene sida booqashadii nabadgalyo ee ugu danbaysay ee ay Ceegaag ku yimaaddeen xildhibaannadii degaannada Dhulbahante u matalayay DF Soomaaliya.

6. Ugu danbayn waxaa dadwaynaha Ceegaag cod dheer ku sheegayaan in hadii ciidamada Somaliland ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah uga bixin deegaanada Hoosyimaada Ceegaag wixii nabadgalyo xumo iyo xasilooni daro ah ay masuul ka noqondoonto maamulka Somaliland.

Wabilahi Towfiiq.

wixii faah faahin ah ee ku saabsan war murtiyeedkan kala xidhiidh xafiiska warfaafinta ee Ceegaag    xaqsooc@yahoo.com

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply