Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo ciidamadiisa Argagaxiso ladirirka ah dib ugu celiyay Soomaaliya

Muqdisho (Ceegaag Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa go’aansaday inay dib usoo celiyaan ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya si ay uga falceliyaan duruufaha amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka.


Taliska isku dhafka Geeska Afrika ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay la shaqeynta Saaxiibadooda Bariga Afrika sida Soomaaliya waxaana uu ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay kahortagga khatar weliba oo soo kororta.

Jennifer Mykins oo ah agaasimaha howlgallada taliska ayaa sheegtay iney diyaar u yahiin wada shaqeynta saaxiibadooda bariga Afrika sida Soomaaliya, ayna doonayaan iney ka hor tagaan khatar walba oo timaada.

Ciidamadaan ayaa kasoo safray magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, waxeyna usoo duuleen dhanka Soomaaliya.

Jennifer Mykins ayaa tiri: “Inkasta oo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka guud ahaan Bariga Afrika, balse dib u soo celinta ciidankaan waxa ay muujineysaa wada shaqeynteena Soomaaliya in aan sida ugu degdegsan uga falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, qorshahaan waa qayb kamid ah sugidda amniga.”

Waxyaabaha ay ciidamadaan fulin karaan waxaa ka mid ah ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, musiibooyinka, hawlgallada Militari, la shaqeynta taliska Mareykanak AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka.

Amar kasoo baxay madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliyga looga saaray ku dhawaad 700 askari oo ka joogay Soomaaliya, balse taliska Africom waxey sheegeen inuusan joogsan doonin hawlgallada ay ku bartilmaameedsadaan Al-Shabaab.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply