Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maqal & Qoraal: Sugaan lagu hogatusaaleenyo Shacabka, Siyaasada Siilaanyo ee ku qotonta qaybi oo xukun iyo jawaab lagu taageerayo siyaasadaa o hadheesay qurbojoogta iyo shacabka reer waqooyiga.

Abwaan Siciid Abuukar Ilka jiir ayaa waxaa uu Hees u tiriyay Siilaanyo. Waxaa ku luuqeeyay Cabdirashiid Cali Xamari. Waxa uu abwaanku Erayadda lihi ku tilmaamay Madaxwayne Siilaanyo mid ku xadgudbay Bulshada Somaliland ee dooratay. Midhaha heestaa oo ayaa waxaa yihiin sidatan

 

 

Heesta oo maqal ah Dhagayso Dhanuun Daalin Noo Dhaaf

Doorashiyo Xusuus shalay
Dib u celinta maalmaha
Shacabkii dedaalee
Kuu dalaalimiyee
Codka kuugu deeqaad
Daleed Madhan Ku Dhaaftee
Diintiyo Kitaabkiyo
Dimuqraadinimadiyo
Dhaartii ka durugtoo
Dastuuriyo Xaqsoorkii
Waad daba martaysoo
Daayacday xilkii qaran
Somalilanddalkaygii
Hamigeedii dumisaye
Odayahoow degdegayaa
Maxaa dunida kuu hadhay
Dhanuun Daalin Noo Dhaaf
Dadka Dibad Baxaayaa
Waa kuwii ku doortoo
Dilka kaama mudananine
dacwad bay sidaane
Cabashada dadkaa maqal
Waar maxaa daarta kugu xidhay
Dalka kii wax tari laaa
Dadkiisana anfici laa
In la doorto diidaye
Xaqdarada dalkii taal
Dumadaada weeyaan
Waanad dambarsan doontaa
Somalilanddalkaygii
Hamigoodii dumisaye
Odayahoow degdegayaa
Maxaa dunida kuu hadhay
Dhanuun…dhanuun
Waar dhanuun daalin noo dhaaf

Hase yeeshe waxa heestaas ka soo jawaabay Abwaan Cabdiqani Ilkacase iyo fanaanka Cabdi Qaboojiye oo isna codka saaray, waxaana heestan lagu ammaanayaa Siilaanyo iyo hoggaamintiisa, waxaana lagu sheegayaa inuu yahay hoggaamiye umadda reer Somaliland u soo dagaalamay wakhtigii ay ku jireen xilliyada adag, iyadoo lagu soo gunaanadayo duco Alle lagaga baryayo inuu Madaxweynaha ilaaliyo, waxaanu abwaanku heestiisa jawaabta ah ku yidhi:

Heesta oo maqal ah Dhagayso allow silaanyo noo daa
Markii layna duudsiyay
Waa kii dagaalamay
Intuu duurka inoo xulay
Dalka Inoo xoreeyay
Dibnahaad ku leedahay
Odayoow doc noo dhaaf
Waa hadal daciifee
Dib how odhan ereygaa
Ruuxii Damiir lihi
Raxmad diidi maaye
Dalkiisana Somaliland
Waa U daacad odayguye
Daayinoow Allahayoow
Siilaanyo Noo Daa’
Hana Daadeheeye
Doqon liita mooyee
Diric iyo ninkii Raggi
Kama Duudsiyayaaye
Inanyahoow degdegayaa
Dibintaad ku leedahay
Maxaa dunida kuu hadhay
Kiinii dambayn taloow
Daliil miyaad u haysaa
Dalkiisana Somaliland
Waa U daacad odayguye
Daayinoow Allayoow
Siilaanyo Noo Daa’
Hana Daadeheeye.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag