Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maqaal: AWDAL TEGTEE YAA LA EERSAN

Ciidamadaa Hangashta Siiraanyo, waa in ay si deg-deg ah uga baxaan Magaalooyinka Quljeed iyo Boon.

Waxaan ogsoonahay in Ciidamada ku sii qul-qulaaya magaalooyinka Quljeed, Boon iyo Borama ee ah kuwa lagu magacaaabo RRU ay yihiin kuwo dawladda Ingriisku ku mushaar siiso,la dagaalanka waxa loogu magac daro, aragixiso, ha ahaadeeen argagixiso, islaam iyo kuwo kiristaan labadaba.

Balse ma aha kuwo sida siiraanyo u isticmaalaayo loogu talo galey.

Waxaanan u shegeynaa in aan cidna lagu cabsi gelin Karin damdamta ay waddaan, waxaanan ugu baaqeynaa dawlada ingiriiska in ay si taxadir leh ula socoto hawlahaa ay ku jiraan ciidankan hangshta ah ee siiraanyo sida ayda carbiska ah u isticmaalaayo. Lagana dul qaado dumarka iyo caruurta la dul keeney, ee aan rabin in indhahoodu qabtaan.

Waxaana hubaal ah in ciidan la soo dhoobaa arladan nabdoon, ay ka abuuri karaan xaalad murugsan, oo aa aan hadda la malaysan karin.

Waxa kale oo aan dawlada Maraykanka si toos ah ula socodsiineynaa  gaar ahaan wassaarada arimaha debeda in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar uu yahay muwaadin maraykan ah isla markaana joogaa dhulkiisii lagu doortey iyo magaaladii lagu caleemo saarey. Isla markaanan mudan in xuquuqdiisa aas-aasiga ah la dhawro meel kasta oo uu aduunka ka joogaba.

Waxaaa is weydiin mudan Suldaanku hadii uu ku dhawaaqey, kama mid nihin maamulka siiraanyo, ma kabcadii ayuu gubey, miyuunse xaq u lahayn in uu go,aan ka gaadho danaha dadka uu codkooda ku hadlayo,mise xaalku waa car juuq dheh, oo afkaa la iska sharooteynayaa ama balastar la iskaga dhejinayaa ( qooleyba  qoor qabad biyo kuma qudh-qudhiyaan).

Looma dulqadan doono in dadkii gobolad galbeedka ay fadhateystaan ajaanib ajanib barkan,  kuwii lahaana ka qatannaan maayan. Gaar ahaan hawlaha ka socda baki ee ah macdan baadhista iyo sifeynta macdanta, taasi oo ah mid khasaare naf iyo maalba geysatey sida lawadda ogyahay.

Waxaana xaq u leh in ay ka faa’iideystaan khayraadka ku duugan dhulkan umada ku dhaqan geyigan.

Nidaamkan hada jira waxaa lagu yagleeley, Magaadal taariikhiga ah ee Boorama City, heshiisbaana lagu gaadhey in loo wada guntado dib u dhiska iyo maamul u sameyta gobolada waqooyi, ka dib bur-burkii dawlada Soomaaliya.

Muddo 24 sanno ah  waxay  shucuubta gobollada galbeedku u heelanaayeen taabo gelinta iyo hano qaadka heshiiskaas waxayna garbaha ku sideen oo ay aduunweynaha ka dhaadhicinayeen in loo soo joogsado fariinta maamulkaas  gaar uga baxey Soomaali weyn, waxaana cadaatey in uu naga iibsami waayey, garbihiina nagu daaleen. Sidaasi darteedna ay ummadani isku qanciyeen in ayna ka sii mid ahaan Karin nidaamkan damaca qaawan ku caan baxey.

Waxaan ummadani goosaney in ayna ku sii hoos jiri Karin, nidaamkan cida gaar ka ah u adeegaaya, ayna haboon tahay in  reer walba gobolkiisa maamusho taas wax dhaantana  la waayey.

Waxaanan ku so xidhayaa baaqeygan, odhaahda ah  wax la waayey weydoow ninkii waalanbaa u duda.

Cabdullahi M Hoori.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply