Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Magacyada Musharaxiintii Buuxisay Foomka Sharuudaha Laga Doonayo Madaxa Madaxtinimada Soomaaliya

Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay magacyada xubnahii soo buuxiyay sharuudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka gudiga doorashada Madaxweynaha Xildhibaan Cusmaan Libaax oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in lix qof ay soo buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa musharaxiinta taas oo ay ka mid aheyd in uu bixiyo lacag dhan 10,000, in uu haysto codadka 20 xildhibaan waxa uuna xusay in dadka qaatay araajida ay gaadhayaan 30 qof.

Dadka soo buuxiyay araajida ayaa waxa ay kala yihiin

1 Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo”

2 C/raxmaan Macalin C/llaahi “Baadiyoow”

3 C/llaahi Axmed Cadoow

4 C/weli Maxamed Cali “Gaas”

5 C/llaahi Cilmi Goonjeex

6 Madaxwayne Shariif Sheekh Axmed

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxa uu intaa ku daray in maalinta berito ah ay ku egtahay qabashada araajida musharaxiinta maalmaha soo socdana ay hortagidoonaan Baarlamanka.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag