Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Magaalada Kismaayo ayaa Waxaa lagu soo Gaba Gabeeyey koob Ciyaaraha Kubadda Cagta ah Kaasi oo lagu soo Dhowaynaayey Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulka Jubba(DAAWO SAWIRADA)

Ciyaartaan oo lagu soo gaba gabaynaayey koob lagu soo dhowaynaayey golaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo, waxayna dhexmartay kooxo kala metelaayey xaafadaha Farjanno iyo Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo iyadoo ay guushu raacday kooxda Farjanno oo 4-gool iyo eber kaga badiday kooxda Shaqaalaha.

Ciyaartaan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa daah furay wasirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Maxamed Warsame Faarax Darwiish, waxaana daawashadeeda kasoo qayb galay boqolaal dad ah iyo masuuliyiin katirsan maamulka Jubba.

Ciyaarta iyo guusha kooxda Farjanno kadib ayaa waxaa Hotelka Qiilmawaaye koobkii ay u tartamaayeen shanta kooxood eek ala metelaayey xaafadaha magaalada Kismaayo lagu guddoon siiyey kooxda Farjanno eek u guulaysatay.

Munaasabaddii koobka lagu guddoonsiinaayey oo ahayd mid weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin sar sare oo katirsan mamaulka Jubba Land, maamulka Sportiga gobolka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo kasoo jeediyey Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka Jubbada Hoose oo soo abaabulay koobkaan Burhaan Maxamuud Xassan Kukuuyo, Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cabdulaahi Qaldaan, wasiirka arrimaha bulshada ee maamulka Jubba Macalin Maxamed, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Gen Darwiisha iyo xubno kale.

Intii aan lasoo gaba gabayn munaasabadda waxaa shahaadooyin bilad sharafyo iyo agabyo kale la guddoonsiiyey dadkii doorka muhiimka ay kasoo qaatay sportiga gobolka Jubbada Hoose.

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa kooxda Farjanno la guddoon siiyey koobkii ku guulaysteen ee lagu soo dhoweynaayey golaha wasiiradda ee maamulka Jubba waxaana guddoonsiiyey Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Suldaan Cabdulqaadir Luga Dheere.

Inkastoo Sportiga gobolka Jubbada Hoose uu xilligaan u muuqdo mid horay u qaaday talaabooyin ku dayasho mudan ayaa hadana waxa uu bur bur xoogan ka muuqdaa garoonka kubadda cagta ee Waamo arrintaasi ayaa waxaa qaylo dhaan ka diray Guddoomiyaha xiriirka Burhaan Kukuuyo.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply