Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka cabashada qaba waa in la soo dhoweeyo shirka Kismaayana lagu soo biiriyo

Kismaayo 16 september 2014-Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka ee magaalada Kismaayo.

Shirweynaha waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka. Shirkan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka una matalayaan 13 xubnood oo isugu jira saraakiisha sarsare ee Wasaarada iyo Gudiga dib-u-heshiisiinta qaran. Xubnaha wasaaradda ka socda waxa uu waajibkoodu yahay in ay hubiyaan habsami u socodka shirwaynaha iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ayaa marka hore u mahad-celiyey ergooyinkii shirka ka soo qeyb-galay iyo maamulka KMG.

“Maanta waxaa halkaan ka furmay shir dib u heshiisiin, dib u heshiisiintu waxay ku timaadaa dadka oo quluubtooda la isku xiro. Wado dheer ayaa la soo maray, waxaa lagu soo jiray howlo dhib-badan, waxaase mahad ilaahey ah inaan maanta halkaan nimid. Sidaad ogtihiin maamul oo dhan waxuu ku soo dhamaadaa talada dadka meesha ay ka go’do, sidaan waxay ku suurowday in maamul jiro, intaan iyo in ka sii qurux badanna waan rajeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso”

“Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday dadka degan gobollada Jubbooyinka inay isku dulqaataan “Wax kasta oo bilaawmaa boqoliikaba boqol sax kuma bilaawdaan ee waa in la isku dulqaataa, waa inaan dhadhansanaa wax noo qabsoomay, xoogeena iyo xoolaheenna aan iskugu geyno sidii wax badan noogu qabsoomi lahaayeen”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabal dhicii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply