Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan “Intii aan ku sugnaa dhulka barakeysan waan u soo duceeyay Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno ka socday maamulka Gobolka Benaadir iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha oo soo dhaweyn kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn sheegay intii uu ku sugnaa dhulka barakeysan ee Maka iyo Madiina uu u soo duceeyay dadka Soomaaliyeed, isagoo ciidanka ugu hambalyeeyay guulaha ay ka soo hooyeen howlgalkii badweynta Hindiya, iyagoo la wareegay degmada Baraawe iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale sheegay in madaxda qaranku aanay ku kala duwanayn sidii uu ugu guuleysan lahaa hadafka dowladda ee ku aadan horumarinta iyo dib u dhiska wadanka, isla markaana ay ka go’antahay madaxda qaranka inay arrimahaasi si wada jir ah u qabtaan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply