Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah

Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kulan ay ku wada qaateen magaalada Jibuuti ee dalka Jibuuti ku kala saxiixday hishiisyo dhowr ah oo la xiriira horumarinta dalka Jibuuti.

Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Geelle ayaa hishiiska ay kala saxiixdeen waxaa ka mid ahaa Arrima la dagaalanka argagaxisada,Caafimaadka,Waxbarashada,Burcad badeedka, iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta dalka Jibuuti, iyadoo sidoo kale labada madaxweyne ku hishiiyay in xiriir ganacsi oo dhow ay yeehaan.

Kulankooda kaddib ayaa Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada madaxweyne ayaa faah faahin dheeri ah kaga bixiyeen qodobbadii ay ku hishiiyeen, iyadoo Madaxweyne Ismaaciil Geelle uu dowladda Turkiga si weyn ugu ammaanay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Erdogan oo isna ka hadlay booqashada Jibuuti ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku joogo dalkaasi waxaana uu sheegay in ay xoojinayaan xiriirka kala dhaxeeyo dadka iyo dowladda dalkaasi,
Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay gaaray Jabuuti, kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Boqortooyada Saudi Arabia oo uu shalay u dhoofay si uu uga qaybgalo aaska boqorkii hore ee Sucuudiga, taasoo baajisay safar uu ku imaan lahaa Muqdisho.

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply