Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynanaha Turkiga oo Xoolo ku tilmaamay Madaxweynaha Masar

Madaxweynanaha Turkiga oo Xoolo ku tilmaamay Madaxweynaha Masar

Maxkamadda Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa si rasmi ah Dil ugu xukuntay, Madaxweyinihii hore ee Masar Maxamed Mursi iyo qaar ka mid ah Madaxda Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo uu ka mid yahay Muftiga Ururkaasi, Maxamed Badiic

Mursi iyo Kooxdiisa ayaa lagu eedeynayaa Basaasnimo iyo inay ahaayeen, Maskaxdii ka dambeysay Weerar ay ku baxsadeen Maxaabiis, intii uu socday Kacdoonkii Xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarak 2011.

Go’aankaan waxa uu imaanayaa iyada oo Maxkamadda ay la tashatay Muftiga dhinaca Diinta u qaabilsan Masar oo laga sugayay go’aanka kama dambeysta ee Xukunka Mursi.

Qareenka Madaxweynaha ayaa sheegay in uu racdaan ka qaadan doono go’aanka, Ururka Walaalaha Midoobay ayaa ku baaqay Maalinta Jimcanaha Banaanbaxyo waa weyn oo looga jawaabayo Xukunka.

Madaxweynaha Turkiga Racep Dayib Urdogan ayaa sheegay in xukunka dilka ah ee Madaxweyne Mursi ay ka dhigan tahay in “Gowraca Qanuunka iyo xuquuqda Aadanaha”, isaga oo sheegay in ay isku mid yihiin Xoolaha iyo Madaxweyne Al Siisii.

Madaxweynaha hadda ee Masar Cabdi fitaax Al Siisii ayaa afgambi millateri kula wareegay tallada bishii 7-aad ee sanadkii 2013, xilligaasi oo ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeeday Maxamed Mursi.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply