Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalada ka socda Shabelaha Hoose

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha hoose waxaana uus heegay in ay dowladiisu ka xuntahay dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay gobolkaasi iyo gobolo kale.

Dhagayso:  Hadalka Madaxwayne Xasan Sheekh

Waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo in colaadahaasi la joojiyo, ayna yihiin dadka colaadaha hurinaya kuwo ka soo horjeeda dowladnimada iyo horumarka umada Soomaaliyeed.

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.” sidaasi waxa yiri madaxweynaha Soomalaiya.

Dhageyso Warbixin uu warkan ka diyaariyay wariye Maxamed Cali Iimaan.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya xili 3dii maalin ee ugu dambeysay ay ka soconayeen dagaalo cul culus deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose, kuwaas oo ay ku nafwaayeen dad farabadan oo aan ilaa iyo iminka la shaacin karin inkastoo ay sheegayaan ilo wareedyo in ay geeriyoodeen dad ka badan 15 qof .

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag