Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxaweynaha Faransiiska

Paris: October 17, 2014- Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada ay Dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaalmada ay ka geysato ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha xag jirka ah ee umadda Soomaaliyeed kala dagaallamaya nolosha.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Madaxtooyada Faransiiska tan iyo markii ayt burburtay Dowladda Soomaaliya sannadkii 1991.

Ka hor inta aan labada Madaxweyne kulmin, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu salaam sharaf ka qaatay ciidammada Madaxtooyada Faransiiska.

—Dhamaad—

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply