Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo xuska 1-da Luulyo awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon

Muqdisho, July 1, 2015 ceegaag.com: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska sanad-guurada 55-aad ee xornimada iyo midnimada dalka awgii ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubno ka tirsan labada gole, ayaa ubax-dhigga kadib sheegay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii horumarka iyo nabadda, qof walba oo Soomaali ahna looga fadhiyo inuu kaalin ka qaato.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Farxad ayay inoo tahay inaan si nabad ah u qabano munaasabaddan quruxda badan. Si aan horey ugu dhaqaaqno waxaa la inaga rabaa inaan gacmaha is qabsano, inaan qabano shaqo adag iyo nabad dhisid, hawlhaasi oo horseedi doona inaan caalamka maqaam sare ku yeelanno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale fariin u direy warbaahinta , isagoo ugu baaqey inay si xilkasnimo leh uga hadlaan dhacdooyinka wadanka, qeybna ay ka qaataan isku keenista iyo mideynta shacabka.

“Saxaafadda mas’uuliyad ayaa ka saaran inay dalka wax ka dhisaan, nabaddana ka shaqeeyaan. yaan la isku khaldin xoriyadda saxaafadda iyo warxuma tashiilka. Saxaafadda waa inay noqotaa mid wax dhista, oo ka dhowrsanaata inay tebiso warar kutiri-kuteen ah. Dowladda way taageereysaa shaqada saxaafadda xorta ah, laakiin waa in xornimadaasi ay mas’uuliyad la socotaa oo wararka la tebinayaan ay noqdaan kuwo xaqiiqo ah, dadkana nabadda u horseeda’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga bisha Ramadaan awgii uu Ilaahay ka dulqaado culeysyada jira, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad , horumar, nabad iyo barwaaqo.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply