Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo shacabka Muqdisho kula ciiday xeebta Liido

July 18 (Ceegaag)—Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kumanaan shacab ah kula ciiday goobo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn booqdey xeebta Liido halkaas oo uu ku gacan qaadey qaar ka mid ah kumanaan qof oo halkaasi ku qaadanayey maalintii labaad Ciidul Fidriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo isla markaana farey inay isku naxariistaan.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha booqdey goob ay carruurta ku cayaaraan halkaas oo ay ka socotey munaasabad gaar ah oo carruurta lagu madadaalinayey.

Madaxweynaha waxaa munaasabadahaasi ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply