Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Jubaland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo (warbixin)

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, madaxweynaha Maamulka jubba oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo  ayaa shir jaraaid oo maanta ku qabtay magaalada Kismaayo wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan, isagoo sheegay inaysan ka qeyb gali doonin shirka dib u heshiisiinta arrimaha jubbooyinka ee Muqdisho ka dhici doona.

Ugu horeyn Axmed Madoobe shirkiisa jaraa’id uu kaga hadlay shirkii dhaqaalaha loogu aruurinayay dib u dhiska Soomaaliya ee uu kaga qeyb galay magaalada Burasali ee wadanka Biljimka.

Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa arrimaha uu shirkaasi kaga hadlay waxaa kamid ahaa mowqifka maamulkiisa ee ku aadan shirka dib u heshiisiinta ee looga hadlaayo arrimaha jubbooyinka ee 21 bishaan ka dhici doona magaalada Muqdisho. 

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Gen, Crisaaq Khaliif Cilmi iyo Gen. Andrew Guuti oo uu sheegay inay u socdeen arrimo la xariira ciidamada uu hogaamiyo Col. Barre Hiiraale ee ku suggan duleedka magaalada Kismaayo xubnahaasoo la sheegay inay ka noqdeen garoonka diyaaradaha Kismaayo.

 

Sidoo kale Madaxwyenaha Maamulka Jubba wuxuu ka hadaly arrinta sida xoogan loo sugaayo ee ah dhameystirka Maamulkiisa.

Ceegaag Online-Kismaayo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag