Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhawaaqey xilliga la bilaabayo qaban qaabada Doorashada 2016.

Ceegaag Sep 13, 2015. Kismaayo:  Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in bishan 20-keeda ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulamada wadatashiga hanaanka doorashada iyo aayaha siysaasadeed ee Soomaaliya ee sannadka 2016.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqey magaalada Kismaayo, kadib kulan gaar ah oo wadatashi oo dhex marey madaxda qaranka iyo madaxda maamullada Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas.

Kulankaasi ayaa madaxda waxay isku afgarteen in maadaama waqtiga harey uu yar yahay, hawlo badanna ay waddanka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.

—DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply