Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Madowbe oo bilaabay latashiyo ku aadan soo dhameystirka maamulka Jubbland.

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe ayaa gudaha magaalada Kismaayo ka bilaabay la tashiyo kala duwan oo uu la yeelanayo odoyaasha dhaqanka, aqoonyahannada, haweenka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee degmada Kismaayo, kuwaasoo ku aadan soo dhameystirka golayaasha ka dhiman maamulka Jubbaland.

Madaxweeynaha ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay odoyaasha beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, waxa uuna la yeeshay kulan wadatashi ah, kaasoo diirada lagu saaray sida ugu haboon ee loo soo xuli lahaa golayaasha wasiirada iyo baarlamanka.

Odoyaasha dhaqanka, aqoonyaahannada, haweenka iyo qeybihii bulshada ee kulanka la qaatay madaxweeynaha ayaa u gudbiyay aragtidooda ku aaddan soo xulitaanka golayaasha ka dhiman maamulka, waxayna sidoo kale madaxweeynaha ka cosadeen in uu soo dedejiyo soo dhameystirka maamulka.

Sikastaba, maalin kahor ayay ahayd markii shir ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo ergadii soo dhistay maamulka Jubbaland ay mudo 20 cisho ah ugu kordhiyeen madaxweeynaha si uu usoo dhameystiro qeybaha ka harsan maamulka.

 

 

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag