Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxwayne Xasan oo beeshiisa u wada magacaabay Safiiradii Soomaalida 19-of-21

Shirkii golaha wasiirada ee Khamiislaha ahaa ayaa maanta 20 June,2013 lagu meel mariyay safiiro cusub oo ay soo gudbisay wasaarada arimaha dibadda. Safiirada la ansixiyey ayaa kala ah Gen. Muuse  Xasan Cabdulle oo ahaa gudoomiyihii KMG ahaa ee Barlamanka Somalia ka hor doorashadii Jawaari ,waxana loo magacaabay dalka Talyaaniga oo horey Nuur Cade u fadhiyay.

Axmed  Cabdisalaam Aadan oo wasiir ka soo noqday xukuumadihi KMG ayaa Safiirka Somalia ee Ethiopia loo magacaabay halka Danjire Siciid Nuur Yuusuf oo booskaas horey u joogay dalka Tanzania loo badalay, halka Cali Saciid  Fiqi Danjiraha Somalia ee dalka Belgium iyo Midawga Yurub noqday iyo Nuur  Faarax Xirsi isna laga dhigay danjiraha dalka Malaysia. RW Saacid ayaa talaabadan ku macneeyay mid ay uga danleeyihiin xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dallalka dibadda.waxana horey Sanbalooshe loo magacaabay safiirka Somalia ee Britain.
Magacaabista safiiradan cusub ayaa dadka siyaasada indhe dheeya ku sheegayaan mid aan loo marin wadadii saxda ahayd ee Somalida wax ku qaybsato ,waxana xafiiska Xasan Shiikh Maxamuud ay ku eedeynayaan kooxaysi ,beelaysi iyo saaxibtinimo inay wax ku soo xusho iyadoo baal mareysa aqoonta iyo tayada looga baahnaa qofka la magacaabayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max´uud, oo wiilka walaalkiis dhalay u magcaabay wasiir, walaashiisna u magcaabay Gudoomiye Haween ayaa Safiirkii todobaad oo ka soo jeeda Beesha Hawiye magcaabay maalintii shalay. Halka ka akhriso Safiirada Beelaha Hawiye ee caalamka magac Soomaaliyeed ku jooga

Safiirka Ingiriiska Safiirka AU Safiirka Roma Safiirka South Africa

  1. Safiirka Turkiga
  2. Safiirka Iran
  3. Safiirka Sudan
  4. Safiirka South Sudan
  5. Safiirka Qatar
  6. Safiirka Yemen
  7. Safiirka China
  8. Safiirka United Arab Emirates.
  9. Safiirka Britain
  10. Safiirka Newyork
  11. Safiirka Kenya
  12. Safiirka Italy iyo EU. Nuur Xassan Xussien Nuur Cade Reer Mogadishu
  13. Safiirka Soomaaliya ee Turkey, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Reer Mogadishu
  14. Safiirka Soomaaliya ee U.A.E Sheekheey Reer Mogadishu
  15. Safiirka Soomaaliya ee South-Africa Sayid Shariif Reer Mogadishu
  16. Safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Cabdulaahi Ugaas Reer Mogadishu
  17. Safiirka Soomaaliya ee South-Sudaan Diinaari
  18. Safiirka Soomaaliya ee Qatar Cumar Idiriis Reer Mogadishu
  19. Safiirka Soomaaliya ee Iran Khaliif Kadiye Yaroow Reer Mogadishu
  20. Safiirka Soomaaliya ee Senegal Maxamed Xussien Owliyo Reer Mogadishu.
  21. Axmed  Cabdisalaam Aadan Safiirka Somalia ee Ethiopia ((( Kii ugu danbeeyay )

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag