Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxwayne Sheekh Axmed Madoobe oo Booqday Dhaawaca Col, Yaasiin Raadeer oo isbitaal uga jira Nairobi

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe iyo Waftigii la socday Maanta galinkii danbe gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa booqday Col, Yaasiin Nuur Gaas Raadeer oo shalay lagu dhaawacay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo dhaawaciisa lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala Magaalada Niarobi.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa gaaray isbitalka uu ku jiro Col, Yaasiin Raadeer  waxaana la soo sheegaya xaalada caafimaad ee Yaasiin Raadeer inay tahay mid sidi hore ka fiican, maadaama ilaa shalay ay dhaqaatiirta ku mashquulsanaayeen wax ka qabashada dhaawaca soo gaaray  guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulkii Kismaayo.

Col, Yaasiin Raadeer ayaa ilaa hadda waxaa  jiirn cid si toos ah loogu qabtay dhaawiciisa. Waxaana jira warar isku tuurtur ah oo ku aadan cida ka danbeysa dhaawiciisa, walow xilliga la dhaawacayey inuu ku mashquulsanaa dejinta ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka uu qeybta ka ahaa Col, Yaasiin Raadeer.

 

hadaba Hoos ka daawo Sawirada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag